Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika

 
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa
garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay taliyaha guud ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Thomas Waldhauser. 

Kullanka Madaxweyne Farmajo iyo Jen. Thomas ayaa waxaa ku wehliyay wasiirka gaashaadhigga Somalia iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo safiirka Mareykanka ee arrimaha Somalia Amb. Schwartz.

Wax faahfaahin ah kama soo bizin kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaa, hase ahaatee ku qotomay xaaladda amniga iyo iskaashiga milateri ee ka
dhaxeeya labada dal Somalia iyo Mareykanka.
Waxaa suuragal ah in kulanka qodobada looga hadlay ay qeyb ka ahaayeen howlgalka milateri ee Mareykanka uu ku dhawaaqay ee Al-Shabaab lagula dagaalamaayo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u ansixiyay sharci ogolaanayo in ciidamada Mareykanka kordhiyaan howlgalada ay ka fulinayaan Somalia iyo dalal ay ka mid tahay Yeman.

Madaxda Soomaalida ayaa looga bartay in saraakiisha reer galbeedka inay ugu tagaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, inkastoo Madaxweyne Farmaajo balanqaadyadiisa ay ka mid ahaayeen inuusan garoonka diyaaraddaha u tegi doonin inuu kula kulmö wafuuda timaada laakiin balanqaadkaasi iyo kuwo kale afka baarkiisa ahaayeen.

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha Itoobiya

 

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha
aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Itoobiya usoo magacoowday Somalia Amb. Jamaaludiin Mustafa Omar. 
Danjire Jamaaludiin Mustafa Omar ayaa ugu horeyn madaxweynaha u gudbiyay nuqulo ka mid ah waraaqdiisa danjirnimo iyo dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dowladda Itoobiya Mulatu Teshome.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhoweeyay xafiiskiisa danjiraha cusub ee Itoobiya Amb. Jamaaludiin, oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali, kana soo jeeda deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Qaabilaada Madaxweynaha oo aheyd mid hab maamuus leh oo la heer ah mida diblomaasiyadda caalamiga ah, ayaa waxaa la is dhinac dhigay calamada Itoobiya iyo Soomaaliya, xilliga Madaxweynuhu guddoomay waraaqaha aqoonsiga.
Shalay ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjirnimo uu ka guddoomay Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in Arbacada soo socota uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu ku joogi doono booqasho qaadan doonto labo cisho.

Taliska booliska gobolka Banaadir oo amar lagu siiyay in ay soo qabtaan agaasimihii warfaafinta ee xilka laga qaaday

 
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay warqad amar lagu soo qabanaayo agaasimihii
wasaaradda warfaafinta oo xil ka qaadis uu ku sameeyay wasiirka warfaafinta, kadib markii lagu eedeeyay maamul xumo iyo masuq maasuq.

Warqada oo kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa looga codsaday qeybta booliska gobolka Banaadir inay soo tabtaan maxkamadna horgeeyaan C/risaaq Cali Yuusuf "Bahlaawi" iyo Xasan Samaar Cali.


Wasiirka warfaafinta C/raxmaan Yariisoow ayaa 9-kii bishan xil ka qaadis ku sameeyay C/risaaq Yuusuf Bahlaawi, kaddib markii uu ku eedeeyay maamul xumo iyo musuq maasuq. Hase ahaatee Bahlaawi ayaa ka dhega adeegay amarka wasiirka isagoo diiday inuu xilka wareejiyo.

Wasiirka arrimaha dibada oo waraaqaha aqoonsi ka guddoomay safiirka Itoobiya

 
Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Somalia ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee
dowladda Ingiriiska u fadhin doona caasimada dalka ee Muqdisho.
Waxen Danjiraha cusub oo lagu magacaabo Jamaludin Mustafa Omar oo Dowladda Ethiopia ay u soo magacawday Danjiraha Ethiopia ee fadhigiisu uu yahay Muqdisho.
"Danjiraha waxaan is weydaarsannay erayo kooban oo ku saabsan sii xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah Soomaaliya iyo Ethiopia. Waxaan si gooni ah isula soo qaadnay qodobbo ay ka mid yihiin deeq Waxbarasho oo ay Ethiopia siiso array Soomaaliyeed" ayuu boggiisa kusoo qoray wasiirka arrimaha dibada Somalia Yusuf Garaad.

Yusuf Garaad ayaa u rajeeyay danjiraha Itoobiya Jamaludin in uu noqdo mid wax wanaagsan ku soo kordhiya iskaashiga labada dal.

Wuxuu sheegay Yusuf Garaad in isaga iyo safiirka ay ku wada hadlayeen af-Soomaali, iyadoo wadahadaladaasina ay goob joog ahaa Xoghayaha Joogtada, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.


Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay waddo cusub oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho

 
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigay wado laami ah oo
laga hirgalinayo Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, dhismaha wadadan aytaa waxaa gacan weyn ka geesanaya maamulka gobolka Banaadir. 


Wadadan uu dhagax dhigay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ah mida isku Xirta Isgooska Degmada Karaan ilaa halka loo yaqaan Xaliima Heete Taas oo Dhax Marta Suuqa Degmada Kaaran.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay munaasabada dhagax dhiga wadadan ayaa sheegay in maamulkiisa uu kaalin ka qaadan doono dhismaha wadooyinka bur bursan ee caasimadda Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali oo Markii ugu horreysay ka hadlay arrinta wadahadallada Somaliland

 
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa markii u horeysay sheegay inay Xukuumadiisu sii wadi doonto wada hadaladii u
socday Soomaaliya iyo Somaliland.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in dadka Somaliyeed oo idil ay u baahan yihiin dib u heshiisiin la isugu keenayo, bacdamaa ay dhibaatooyin badan kala tirsanayan.
Wuxuuna ayaa sheegay in Somaliland ay qayb ka tahay sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, isagoona xilligii burburka ku ammaanay in wax badan u qabatay bulshada Somaliyeed.

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in horey loo amba qaado wada hadalada iyo nabadaynta dalka ay tahay mid qayb ka ah tiirarka Xukuumadiisa, horena uu ka sheegay Baarlamaanka hortiisa.

Ra’iisal Wasaaruhu ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in tani ay qayb ka tahay qorshaha uu Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku hogaaminayo dalka.

Bisha soo socota ee May ayuu sheegay in xukuumadiisu ay shirka London la hortaggi doonto codsi ku aadan in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee saaran, si loo dardargeliyo amniga guud ee dalka.


Trump "Ilaalinta Sacuudiga dhaqaale badan baa nagaga baxa"

 
Madaxweyne Trump ayaa dhaliilay heshiiska difaaca ee Maraykanku uu kula
jiro boqortooyada
Sacuudi Carabiya wuxuuna sheegay in uu yahay mid hal dhinac u janjeedha oo Sacuudiga dan u ah.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayuu u sheegay in Sacudigu uu maraykanka ula dhaqmayo si aan dhexdhexaad ahayn, sababtana wuxuu ku sheegay in Maraykanka ay dhaqaale badan kaga baxdo difaaciidda Sacuudiga, waa sida uu hadalka u dhigay ee.
Bishii hore ayay dadka Sacuudiga ka faalooda sheegeen in uu soo hagaagay calaaqaadka labadan dal ee xulafada ah tan iyo wixii ka damabeeyay wadahadaladii uu ku xigeenka dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman la yeeshay Donald Trump.

Baarlamanka Soomaaliya oo Kashifay Fadeexad lama filaan ah & Khiyaamo Qaran oo uu ku kacay Madaxweyne Farmaajo

 
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Kashifay, isla markaana Shaaca ka qaaday Khiyaamo Qaran oo
lagu burburinayo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo uu ku kacay Madaxweynaha Federaalka Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, khiyaanada oo qorsheheeda la isla gartay.
Khiyaamadaas Qaran ee qorsheheeda la isla meel-dhigay, lagagana wadahadlay Shirar kala duwan oo Soomaaliya, Nairobi, Tanzania iyo Itoobiya ka qabsoomay, lana sheegay inuu yahay qorshuhu mid dawladaha Ingiriiska, Itoobiya iyo Kenya si weyn dabada uga riixayaan, isla markaana la doonayo in lagu hirgeliyo Shirka London loogu qabanayo Soomaaliya 11-ka bisha May 2017-ka ee foodda innagu soo haysa. Waxaanay arrintani noqonaysaa Fadeexad aan laga filayn Farmaajo, balse hadda dul-hoganaysa.
Ciidammada Qalabka sida ee Federaalka Soomaaliya oo hadda la sheegay inay tiradoodu ka badan tahay Soddon Kun oo Askari oo tabobbarro iyo Qalabkoodiiba qaba, ayaa qorshahan hadda socda lagu doonayaa in lagaga dhigo 18,000 (Siddeed iyo Toban Kun) oo Askari oo keli ah guud ahaan, kuwaas oo ka kala iman doona Maamul-goboleedyada Soomaaliya, sida lagu sheegay Shir dhawaan ay Muqdisho ku yeesheen Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya oo uu Farmaajo Shir-guddoominayey, lagagana dhawaaqay in la sameeyey Golaha Ammaanka Qaranka oo uu Guddoomiye ama hoggaamiye u noqonayo Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa arrintan si rasmi ah u fashilay, isla markaana Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya soo hor-dhigay Xildhibaanno ka tirsan Golahaas, kuwaas oo 26-kii bishan Fadhigii uu Goluhu yeeshay kaga hadlay baadhitaanno iyo dabagal ay sameeyeen oo ay Xogo rasmi ah arrimahaas kaga heleen, iyaga oo Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha ka dalbaday inaan Kalfadhiga la xidhin inta Goluhu u yeedhayo Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha iyo Masuuliyiinta Gaashaandhigga iyo Hay’adaha Amniga Soomaaliya; si ay Su’aalo uga weydiiyaan qorshahaas oo ay ku tilmaameen mid Baarlamaanka laga qarinayo, laguna afgembiyayo Madax-bannaanida Soomaaliya.  

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo ka shiray xaalada Muqdisho

 
Shirka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo guddoomiyeyaasha
gobolka ayaa shirkii labaad oo dhaca xili habeen ah yeeshay, iyadoo shirkaan maamulkii hore qaban maalintii.

Shirkaan oo xalay ka dhacay xarunta aqalka dowladda hoose ayaa looga hadlay arrimaha amniga, ka hortaga masuqa, la xisaabtanka maamulada degmooyinka, nadaafada, gaar ahaan goobaha ay degan yihiin dadka abaaraha kasoo barakacay ee Muqdisho.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka, ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo shirka guddoominayay ayaa ku booriyay
guddoomiyeyaasha degmooyinka in ay la yimaadaan waxqabad, cid walbana lagula xisaabtami doono shaqadiisa oo aan laga hari doonin.
Waa shirkii labaad oo xili habeen ah ay yeeshaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Guddoomiyaha cusub oo ka dhaca Muqdisho.


Magufuli oo eryay 10 kun oo shaqaale dowladeed ah

 
Madaxweynaha waddanka Tanzania, John Magufuli, ayaa waxa uu shaqada ka eryay ku dhawaad 10,000 oo shaqaale
dowladeed ah kuwaasi oo haystay shahaadooyin been abuur ah.
Waxa uu amray inay banneeyaan goobaha ay ka shaqeeyaan wixii loo gaaro 15 bisha May, haddii aanay sidaa sameynna waa la xiri doonaa oo la maxkamadeyn doonaa.
Mr Magufuli ayaa ka jawaabcelinayay warbixin uu saaray guddi arrintan loo saaray oo soo diiwaangeliyay 9,932 shaqaale dowladeed oo haysta shahaadooyin dugsi sare oo been abuur ah.
Tiradan ayaa waxa ay wax yar ka sarreysaa boqolkiiba 2 shaqaalaha dowladda ee waddanka Tanzania.
Shaqaalahaasi dowladda ayey sidoo kale suuragal tahay in la maxkadeeyo oo haddii lagu helo dambi wax is daba marin ah waxa ay wajahayaan ilaa todoba sano oo xarig ah.
Baaritaanka waxaa lagu sameeyay shahaadooyinka dugsiga sare oo kaliya ee ay haystaan saraakiisha dowladda hoose, hay'adaha iyo wakaaladaha dowladda, balse lama baarin shahaadooyinka jaamacadaha.

Baarlamaanka Jermalka oo mamnuucay indho shareerka

 
Xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Jermalka ayaa meelmariyay sharci qayb ahaan mamnuucaya xirashada indho shareerka Muslimiinta.
Biilkan ayaa hadda la horgayn doonaa aqalka sare e baarlamaanka si loo meelmariyo.
Shaqaalaha dawladda, garsooreyaasha iyo askarta ayaa laga hor istaagi doonaa in ay shaqada indho sharer ku xirtaan.
Xisbiyada dhanka midig xiga ayaa u ol'olaynayay in dalka oo dhan laga mamnuuco in indho shareer lagu xirto goobaha ay bulshadu isugu tagto.
In kabadan hal milyan oo soogalooti ah oo badan kood ay yihiin Muslimiin bariga dhexe ka tagtay ayaa galay Jermalka 18kii billood ee la soo dhaafay.
Arrintaas waxaa dabosocday weeraro kala duwan oo ay qaadeen dad jihaad doon ah, waxaana ka mid ahaa midkii Baarliin ka dhacay maalintii iidda masiixiyiinta ee loo adeegsaday gaariga, kaas oo ay ku nafwaayeen 12 ruux.
Wasiirka arrimaha gudaha Thomas de Maiziere ayaa sheegay in arrintan lagu mamnuucayo indha shareerku ay muujinayo sida dhaqamada kale looga dulqaadan doono Jermalka.
Xisbiyada garabka midig xiga ee Jermalka ayaa doonaya in lagu daydo Faransiiska oo meelaha bulshadu isugu timaado ka mamnuucday xirashada indho shareerka tan iyo sanadkii 2011ka.
Bishii Desembar ee sanadkii hore ayay Angela Merkel ku baaqday in indho shareerka laga mamnuuco meel kaste oo sharcigu ogol yahay, iyada oo sheegtay in uusan munaasab ku ahayn dalkeeda.

Dadka arrintan dhaliishan waxay sheegeen in mamnuucitaankan uu saamayn yar yeelan doono maadaama ay dalkaas ku nool yihiin Muslimiin yar.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo dad shacab ah shaah kula cabay maqaayad ku taal degmada Shibis

 
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa qaaday tallaabo aan looga baran ra'iisul wasaareyaashii hore,
isagoo dad shacab ah kula shaahay maqaayad ku taal degmada Shibis ee gobolka Banaadir.
Ra'iisul wasaaraha oo kasoo baxay hotelka City Plaza oo xaflad dhaqaale loogu aruurinayay deegaanada abaaraha ka jirta ayaa wuxuu si lama filaan ah ugu soo degay gaarigiisa aan xabadaha karin, isagoona la fadhiistay dhalinyar aad u yaryar oo maqaayada shaah ka cabayay, kulana sheekeystay dhalintaasi.
"Waxan shacabkeyga u sheegaya inaan la wadaagi doono wax walba oo nala soo gudbonada ingaan ku jirno halganka lagu soo celinayo sharaftii dalka iyo ummada” ayaa yiri Ra’iisul wasaaraha.


Todobaadkii hore ayuu tegay ra'iisul wasaaraha xeebta Liido, isagoo kula qaraaxeystay dhalinyaro u damaashaad tegay xeebta.
 
Madaxweynaha dalka Turkiga mudane, Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee

Magaalada Ankara ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo oo maalintii Talaadada ahayd gaaray Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
6
Labada Madaxweyne, ayuu xilligan shir uga socdaa Xarunta Madaxtooyada Turkiga, waxaana loo maleynayaa in si dhow uga wada hadlayan arrimaha labada dal.


Dowladda Turkiga ayaa lagu tilmaamaa midda keliya ee sida dhabta ahi u taageerto Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, marka loo eego doorka Turkiga uu ka qaatay dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed

Ciidamada amaanka Puntland oo ka hortegay qaraxyo laga fulin rabay Boosaaso

 
Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo 5
nin oo watay, kaasi oo ay booliisku sheegeen in loogu talagalay in lagu qarxiyo xarumo aan la magacaabin oo ku yaal magaaladda Bosaso
Waxyaabaha qarxa ee la qabtay ayaa waxay ka koobnaayeen seddax
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
fuusto oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay looguna talagalay in sedax goobood lagu qarxiyo iyo bateriyaal la socda rumuut loo adeegsan lahaa qaraxyada.
Taliyaha ciidanka Madaxtooyda Puntland cabdirashiid Cabdiraxmaan Ismaaciil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay heleen xog la xiriirta qaraxyada oo lagu diyaariyay saddex fuusto oo loogu talagalay saddex gaari oo la doonayay in lagu qarxiyo saddex bartilmaameed oo muhiim

Taliska Booliiska gobolka weli faahfaahin dheeraad ah kama bixin qaraxyada iyo rag waday ee ay qaybteen iyo kooxda ay ka tirsan yihiin iyo xarumaha loogu talagalay in lagu qarxiyo. 

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacaayo oo u ambabaxay Turkiga kadib casuumaad

 
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ambabaxay magaalada
Ankara ee dalka Turkiga,
kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Turkiga ayaa ku kulmi doona Ankara, waxayna wararku sheegayaan in labada Madaxweyne kala saxiixan doonaan heshiisyo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Yuusuf Garaad ayaa ka warbixiyay booqashada Madaxweynaha, isagoo xusay in booqasho rasmi oo qaran ku tagayo Turkiga.
Amb. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ay hoggaamin doonaan wada hadalo labada dal dhex mari doona.


“Labada Madaxweyne ee Turkiga iyo Soomaaliya waxay hoggaamin doonaan wada xaajood dhex mari doona labada dhinac, waxaa la saxiixi doonaa heshiisyo cusub oo dhex mara labada dowladood, xoojinta xiriirka labada dal”ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Somali WhatsApp Halkaan ka Degso

 

HALKAN KA DEGSO MAANDIS APPLICATION

 
MAANDHIS NEWS NETWORK 
Application kan  waxaan ugu talagalnay in uu fududeeyo wararka warbixinada iyo wareesiyada guud ahaan dunida dacaladiida iyo xiliga ay dhacayaan

Maxkamadda ciidamada oo Baydhabo ku toogatay mar kale gacan ku dhiigle dilay aabe iyo labo caruur uu dhalay

 
Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay
askari magaalada Buurhakaba ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Qaasim Cabdiyoow Keerow isla markaana dhawacay labo wiil oo marxuumka uu dhalay.
Askarigaan ka tirsanaa ciidamada booliska Koonfur Galbeed ayaa ka hor inta aan la toogan qoslayay, isagoo aan wax welwel ah ka qabin xukunka dilka toogashada iyo xanuunka ciqaabta uu mari doono.
Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia Dhame Muumin Xuseen Cabdulaahi, ayaa ka sheegay goobtii toogashada ay ka dhacday in dambiilaha uu galay falkii lagu soo eedeeyay maxkamadana la hor keenay cadeymo iyo marqaatiyo ku filan, isagoo intaa raaciyay in cid kasta oo ciqaab gåshö la marsiin doono sharciga.

Shaley oo taariikhda ku beegneyd 24 April ayaa maxkamadda ciidamada ay Baydhabo ku toogatay afar xubnood oo lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen qaraxyadii baydhabo ka dhacay bilowgii sanadkaan.
22-kii Bishan April, Maxkamadda ciidamada Qalabka waxay kaloo dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadeey oo dilay Maxamed Cali Cabdalla taariikhda marker ku beegneyd 05-01-2016.

Macron iyo Marine oo isugu soo haray doorashada Faransiiska

 
Emmanuel Macron oo siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay iyo Marine Le Pen oo siyaasaddeedu midig fog tahay ayaa isugu soo haray
wareegga ugu dambeeya ee doorashada madaxtinimada Faransiiska oo dhacaysa 7 bisha May, sida ay muujinayso natiijada wareegga koobaad oo inteeda badan la tiriyay.
Iyadoo la tiriyay 96% ka mid ah codadkii la dhiibtay doorashaddii wareegga koobaad ee Axaddii dhacday ayaa Macron wuxuu helay 23.9% halka Le Pen ay ka heshay 21.4%.
Aragti aruurrinnadii la sameeyay ayaa si joogto ah u muujinayay in Macron uu ku guulaysan doono wareegga labaad.
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Labadan murashax ee isu soo haray ayaa hardan adag la soo galay François Fillon oo siyaasaddiisu midig dhexe tahay iyo Jean-Luc Mélenchon.

Qofkii doonaba ha ku guulaysto wareegga labaad ee codayntan ayaa xaqiijisay in dadku ay ka weecdeen xisbiyada siyaasaddoodu bidix iyo midig dhexe kala tahay oo in badan soo maamulayay Faransiiska.
Inkastoo wakhti dheer loo arkayay in Le Pen ay kaalinta labaad ka gali doonto doorashada madaxtinimada, laakiin soo shaacbixidda Macron ayaa ahayd mid si dhakhso ah u dhacday.
Weriyaha BBC Hugh Schofield oo doorashada Faransiiska ka soo warramaya ayaa sheegaya in waxa lagu sheekaysanayo ay tahay macquulnimada in Macron uu guulaysto.
Macron oo la hadlaya dad aad ugu riyaaqsan ayaa u sheegay "Wejigii siyaasadda Faransiiska sanad ayaan ku badalnay" dadkana wuxuu ugu baaqay in ay ka soo horjeedsadaan wadaniyadda xagjirka ah.

Marcon ayaa Wasiirka dhaqaalaha ka soo noqday xukuumadda hadda jirta ee uu hogaamiyo madaxwene Francois Hollande, wuuse iska casilay si uu u billaabo xisbi siyaasadeed oo cusub.
Hadda ka hor weligii uma tartamin doorasho haddii uu guulaystana wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu da'yaraa abid ee Faransiiska soo mara.
Wuxuu taageersan yahay ka sii mid ahaanshaha Midawga Yurub, wuxuuna ku baaqay isbedel joogto ah oo lagu sameeyo dhaqaalaha Faransiiska iyo qorsheyaal maalgalin oo ay ku baxayaan balaayiin doolarka Maraykanka ah

Madaxweynaha Jubbaland iyo taliyaha cusub ee ciidamada booliska oo tababar usoo xiray ciidamo mudo tababar qaadanay

 

Ciidamo ka tirsan booliska maamul goboleedka Jubbaland oo tiro ahaan gaarayay 201 askari ayaa maanta tababar mudo socday usoo xirnay, iyadoo
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
munaasbadii xirtaanka ay ka qeyb galeen Taliyaha booliska dowladda federaalka Jen, C/xakiim Daahir Saciid Saacad, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, taliyaha ciidamada AMISOM iyo saraakiil kale.

Casharada la baray ciidamadaan ayaa waxaa ka mid ah, dabagalka, kahor taga dambiyada iyo rabshadaha, baarista, iyo habab kala duwan oo is difaacista shakhsiga ay kamid tahay ayay Askartu goobta kusoo bandhigeen.
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacad oo ka qeybgalay munaasabada tababarka loogu soo xirey askartan ka tirsan booliiska ayaa sheegay in ay xooga saari doonaan sidii loo heli lahaa booliis dalka oo dhan ka howlgala isla markaana leh tayadii looga baahnaa.
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa munaasabada ka sheegay in Jubbaland ay dadaal dheer galisay dhismaha Ciidamo Boolis ah oo tayo leh sidii lagu heli lahaa maadama baahida ugu weyn ee Soomaaliya ay tahay Boolis si wanaagsan u shaqeeya maadama falalka ammaanka lidka ku ah ay yihiin kuwo u baahan khibrad iyo xeel dheeri wax ku ool ah.

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Madaxweynahu wuxuu ka codsaday dowlada Federaalka ah in ay si siman u qaybiso waxyabaha lagu helo magaca Soomaaliyeed isla markana dhismaha ciidamada booliska la gaarsiiyo dalka oo dhan la iskana kaashado sidii boolisku uu u noqon lahaa sidii lagu yaqiinay bari samaadka.

Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in Booliska maanta tababarka dhamaystay ay yihiin kuwii xasilin lahaa magaalooyinka gacanta dowlada ka maqan marka la xoreeyo.   


Maxkamadda ciidamada oo saakay toogatay dhalinyaro lagu soo eedeeyay inay abaabuleen qaraxyadii ka dhacya Baydhabo

 
Afar dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inay ka danbeeyeen abaabulka weeraro qaraxo ahaa oo bishii Febraayo ee
sanadkii hore ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo lagu dilay dad aad u badan.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa horay raggan dil toogasho ah ugu xukuntay, iyadoo saakana lagu fuliyay dilka.

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Toogashada ayaa saaka ka dhacday duleedka magaalada Baydhabo, waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Jen. Liibaan Cali Yarow iyo Saraakiil kale.
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Waa dilkii labaad ee maxkamadda ciidamada fulisay mudo 48 saac laga joho, iyadoo Sabtidii ay toogteen askari ka tirsanaa dowladda oo qof shacab ah ku dilay Afgooye.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo

 
Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdigii uu hogaaminaayo ayaa maanta ka dagay garoonka
diyaaradaha ee generaal Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynah iyo wefdigiisa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey madaxdaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Madaxweyne Faraamjo ayaa la sheegayaa inuu magaalada Baydhabo u gaaray sidii uu u soo indho-indheyn lahaa xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxana uu sidoo kale booqan doonaa inta uu joogo magaalada

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); Baydhabo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ee ka soo hayaamay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka.
Sidookale madaxweynaha ayaa la kulmi doono madaxda maamulka oo uu kala hadli doono dhibaatooyinka abaaraha deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Amaanka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo maanta gudaha magaalada lagu arkayey ciidamada heegan buuxa la galiyey, ku waasi oo loogu baaqay inay xoojiyaan amniga inta uu madaxweynaha federaalka ku suganyahay magaalada Baydhabo.

AMISOM oo ka caawineyso booliska maamulka Koonfur Galbeed habka maamulka iyo diiwaan gelinta

 
Waaxda booliska federaalka ee ka howlgala maamulka Koonfur Galbeed ayaa qaatay tababar ku
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
saabsan adeegsiga nidaamka diiwaan gelinta jismiyeed ee maamulka Koonfur Galbeed.
Tababarka oo ay bixinayaan saraakiisha AMISOM ayaa ujeedadiisu tahay si ay u caawiyaan waaxda booliska federaalka si loo xoojiyo maamulida iyo diiwaangelinta booliska oo ku dadaalaya ilaalinta amniga iyo xasiloonida dadka deegaanka.
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

Diiwaangelinta 500 oo ka mid ah ciidamada booliska Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inuu hogaamiyo go'aanada maamulida booliska sida xaqiijinta aqoonsiga askariga, dhallacsiinta iyo beddelida shaqaalaha iyo iwm.

Qaabkii maanta loogu fuliyay dilka askarigii lagu qisaasay Muqdisho

 
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Askariga maanta la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadey kaaso oo ay da'diisu


(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
ahayd 28 sano jir, isla markaana ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya kaas oo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ku dilay nin la oran jiray Maxamed Cali Cabdalla 05-01-2016
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kiiska askarigan ka fariisatay, ayaa dil toogasho ah ku xukuntay, balse askariga ayaa racfaan ka qaatay xukunka dilka ah ee maxkamada ay ku riday.

Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kiiska askarigaasi la gaarsiiyay ayaa markii la horgeeyay cadeymo iyo marqaatiyaal, kadib maxkamada waxa ay dil ku xukuntay askariga racfaanka qaatay.


Ugu dambeyn gacan ku dhiigle Axmed Cabdi Maadey ayaa saaka lagu toogtay tiirka Iskool Buluusiya, halkaasi oo cutubyo ka tirsan ciidanka Xooga dalka ay dilka kula fuliyeen.

Dhaqaalihii dowladda kasoo geli jiray qaadka oo u wareegay maamulka Hirshabeelle

 
Waxaa maalintii labaad diyaarado qaad sida ay ka dageen magaalada Jowhar, oo magaalada
Muqdisho u jirta 90 kg.
Arrintaan ayaa ka danbeysay canshuur kordhin lagu sameeyay ganacsatada qaadka, waxayna go'aansadeen inay magaalada Jowhar u wareejiyaan diyaaraddihii kasoo degi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Gaadiid dheereeya ayaa magaalada Jowhar looga soo qaadaa qaadka, waxayna taasi keentay in waqtigii caadiga xiligii Muqdisho kasoo deji jiray uu dib ugu dhaco saacado.

Ganacsatada ayaa ka cabanayay markii u danbeysay canshuur kordhin dhan 1kg qaad ah lacag dhan 53,000 shiling Soomaali, oo u dhiganta $2.5, halka markii hore lagu canshuuri jiray 43,000 shiling Somali $1.5.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Qaadka ayaa sheegay in soo dhoweyn wanaagsan ka heleen mas'uuliyiinta maamulka Hirshabeelle iyo maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, isla markaana canshuuro ka jaban midka Muqdisho looga qaadi jiray laga qaaday tan iyo shalay.

Kooxda "Dawladda Islaamka" oo sheegatay weerarkii Paris

 
Booliska Faransiiska ayaa sheegay in askari boolis ah toogasho lagu dilay laba kalena lagu dhaawacay badhtamaha Paris, iyo in sidoo kale ay ciidanka nabad gelyadu dileen ninkii askarta soo weeraray.
Boolisku waxay sheegeen in nin dabley ah oo kelidii ahaa rasaas ku furay askarta ka hor intii aan isagana la dilin isaga oo is leh goobta ka baxso, waxaana boolisku xidheen gooba weerarku ka dhacay oo ah Champs-Elysees.
Madaxweyne Francois Hollande ayaa sheegay in uu rumaysanyahay in weerarku ahaa mid "agagixiso xidhiidh la leh".
Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa sheegtay in mid ka mid ah "dagaalyahannadeedu" uu weerarkaa qaaday.
Ka dib markii weerarro baaxad lahaa oo dalka ka dhacay ay sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamku, ayaa mitidnimada Islaamiyiintu waxay noqotay arrin aad loogaga doodayey ololaha doorashada. Weeraradii u dambeeyey ee ay sheegatay kooxda Dawladda Islaamku waxa ku dhintay 238 qof tan iyo sannadkii 2015-kii sida ay tibaaxday xog laga helay wakaaladda wararka AFP.
Dhawr ka mid ah musharaxiinta ka qayb galaya tartanka doorashada madaxtinimada ee Axadda dhici doonta ayaa ololohoodii joojiyey si ay u muujiyaan tixgalinta ay u hayaan shacabka iyo xukuumadda Faransiiska. Musharaxa xisbiga midig dhexe, Farancois Fillon, ayaa sidoo kale ugu baaqay musharaxiinta kale in ay tallaabo tooda la mid ah qaadaan.
"Sida ay u muuqato, askarta booliska ah si ula kac ah ayaa loo bartilmaameedsaday" ayuu yidhi af-hayeenka wasaaradda arimaha gudaha, Pierre-Henry Brandet.
Madaxweyne Holland ayaa ka dib markii uu kulan degdeg ah la yeeshay ra'isal wasaaraha iyo wasiirka arimaha gudaha, wuxu sheegay in qaranku taageero buuxda la garab taaganyahay ciidamada nabad gelyada isla markaana maamuus qaran lagu aasi doono askarta booliska ah ee la dilay.
Waxaanu intaa ku daray in uu aroornimada Jimcaha ah kulan la yeelan doono golihiisa nabadgelyada ee xukuumadiisa.
Weriyaha BBC-da, Hugh Schofield, ayaa ku soo waramaya in Champs-Elysees oo dunida aad looga yaqaan dad aad u badanina dalxiis u tagaan muddo dheer loo arkayey in ay noqon karto goob la bartilmaameedsan karo.
Qiyastii saacaddu markii ay ahayd 9:00 habeenimo xiliga Paris ayaa nin baabuurkii uu watay soo ag joojiyey bas yar oo boolisku leeyihiin ka dibna rasaas ayuu ku furay, ayuu yidhi Mr Brandet oo ah af-hayeenka wasaaradda arimaha guduhu.

Interested for our works and services?
Get more of our update !