Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdigii uu hogaaminaayo ayaa maanta ka dagay garoonka
diyaaradaha ee generaal Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynah iyo wefdigiisa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey madaxdaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Madaxweyne Faraamjo ayaa la sheegayaa inuu magaalada Baydhabo u gaaray sidii uu u soo indho-indheyn lahaa xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxana uu sidoo kale booqan doonaa inta uu joogo magaaladadiyaaradaha ee generaal Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynah iyo wefdigiisa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey madaxdaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); Baydhabo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ee ka soo hayaamay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka.
Sidookale madaxweynaha ayaa la kulmi doono madaxda maamulka oo uu kala hadli doono dhibaatooyinka abaaraha deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Amaanka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo maanta gudaha magaalada lagu arkayey ciidamada heegan buuxa la galiyey, ku waasi oo loogu baaqay inay xoojiyaan amniga inta uu madaxweynaha federaalka ku suganyahay magaalada Baydhabo.
No comments:
Write comments