Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika

 

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa
garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay taliyaha guud ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Thomas Waldhauser. 

Kullanka Madaxweyne Farmajo iyo Jen. Thomas ayaa waxaa ku wehliyay wasiirka gaashaadhigga Somalia iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo safiirka Mareykanka ee arrimaha Somalia Amb. Schwartz.

Wax faahfaahin ah kama soo bizin kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaa, hase ahaatee ku qotomay xaaladda amniga iyo iskaashiga milateri ee ka
dhaxeeya labada dal Somalia iyo Mareykanka.
Waxaa suuragal ah in kulanka qodobada looga hadlay ay qeyb ka ahaayeen howlgalka milateri ee Mareykanka uu ku dhawaaqay ee Al-Shabaab lagula dagaalamaayo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u ansixiyay sharci ogolaanayo in ciidamada Mareykanka kordhiyaan howlgalada ay ka fulinayaan Somalia iyo dalal ay ka mid tahay Yeman.

Madaxda Soomaalida ayaa looga bartay in saraakiisha reer galbeedka inay ugu tagaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, inkastoo Madaxweyne Farmaajo balanqaadyadiisa ay ka mid ahaayeen inuusan garoonka diyaaraddaha u tegi doonin inuu kula kulmö wafuuda timaada laakiin balanqaadkaasi iyo kuwo kale afka baarkiisa ahaayeen.

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !