Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Shirka London ee Soomaaliya oo goor dhow furmaya

 

Waxaa goor dhow lagu wadaa in uu magaalada London ka furmo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah. 
shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u wada guddoomin doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres, waxaana diirada lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin dhismaha ciidanka qaranka, ammaanka, siyaasada, dhaqaalaha, iyo bani’aadanimada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya madax ay ka mid yihiin ra’iisul wasaaraha Turkiga, madaxweynaha Kenya, madaxweynaha Uganda, ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, dowladda Mareykanka, Jaamacadda Carabta, ergo ka socota Midowga Yurub, Midowga Afrika, Ururka Islaamka iyo wakiilo ka socda dowladaha taageera Soomaaliya.
Dhanka kale habeenkii xalay ayaa waxaa uu madaxweyne Farmaajo kulamo gaar-gaar ah la qaatay madax sar-sare oo uu ka mid yahay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres.

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !