Koox farsamo yaqaano iyo khuburo isugu jira ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay qiimayn ku samaynayeen halka laga dhisayo biyo-xireenka, waxay kaloo diyaarinayaan xaflada furitaanka mashruuca oo maalmaha soo socda si rasmi ah loo bilaabi doono.
Sida ay faafiysay wakaalada wararka ee imaraadka, mashruucan waxaa looga faa’iidaysan doono horumarinta beeraha iyo xoolaha, wuxuuna ka mid yahay mashaariic tiro badan oo imaraadku ka fulinayo Soomaaliya
Mashruucan wuxuu ka mid yahay barnaamijka loogu magac-daray Soomaaliya darteed oo toddobaadkii hore ay imaraadku bilaabeen, kaasi oo la filayo in lagu ururinayo lacag gaaraysa 500 milyan oo lacagta imaraadka ah.
Gabagabadii, Dowladda Imaraadka ayaa lixdii sanno ee u dambeeyay waxay heshiisyo ganacsiga iyo milateri la gashay Puntland iyo Somaliland iyo dowladda federaalka oo dhinaca ciidamada ay ka caawiso, waxay kaloo heshiis saldhig milateri ah kaga samaysanayso magaaladda berbera laga gashay maamulka Somaliland.

No comments:
Write comments