Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Ra'iisul wasaaraha oo saraakiil Midowga Yurub kula shiray markab ciidamada Spian leeyihiin dushiisa

 



Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeybgalay shir ka dhacay markab dagaal dushiisa oo
fadhiyay xeebaha magaalada Muqdisho, kaasoo ay leeyihiin ciidaamada Spian ee qeybta ka ah howlgalka la dagaalanka burcad badeeda.
Ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa diyaarad helicopter ah ay ka qaatay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoona ay ku dejisay markabka dagaal dushiisa.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay danjiraha midowga Yurub ee Somalia, taliyaha howlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya iyo ra'iisul wasaare
Kheyre, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub.
RW Xasan Cali Kheyre, ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.

“ Waxaan ka wada hadalney sidii shaqooyinka ay wada qabtaan midowga Yurub iyo Soomaaliya ay noqon lahaayeen kuwo muuqda loona xoojin lahaa, sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn in burcad badeeda anaga aan isaga difaaci laheyn tababar iyo qalabna loo siin lahaa ciidanka waana ku heshiiney sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn,” ayuu sheegay ra’iisul was are Kheyre.
Dowladaha ku bahoobey ururka midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka caawiya arimaha badan oo ay kamid tahay amniga iyo mashaariic horumarineed oo qeybo kamid ah dalka ay ka fuliyaan, iyadoo maraakiib dagaal oo dalalkaas ay leeyihiin ay ku sugan yihiin biyaha Soomaaliya kuwaas oo la dagaalama kooxaha burcad badeedka Soomaalida ah.



No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !