Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Ergayga ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho lagu macsalaameeyay

 

Ergayga Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdalla Idriis oo
muddada xileedkiisa shaqo ay ka dhamaatay ayaa waxaa laga macsalaameeyay magaalada Muqdisho.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa mas'uulkani u qabtay xaflad qado sharaf ah.

Xafladda qado sharafta ee lagu sagootinayay Ambassador Mohamed Abdalla Idris ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirrada dalalka carbeed iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Turkey ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa bogaadiyay howlqabadkii Danjire Idris iyo kaalinta Jaamacadda Carabta ay ka qaadatay iskuduwidda taageerada Carbeed ee Soomaaliya.


Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr ayaa ka mahad celiyay xoojinta iyo dardargelinta dadaalada Jaamacadda Carabta ay ku dooneyso in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradihii ku lahaayeen Caasimadda Muqdisho 26 sano kahor.

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !