Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinnimada Faransiiska, isagoo ka guuleystay haweeneydka Xisbiga Midigta fog ee NF, Marine Le Pen.
Siyaasigaan 39 sano jirka ayaa ku guuleystay ku dhawaad 65.5% codadkii la dhiibtay, halka haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen, ay heshay ku dhawaad 34.5%.
Macron ayaa ah 39 jir aan horay loogu dooran wax xil ah, waxa uuna noqonayaa madaxweynihii ugu da'da yaraa ee soo mara Faransiiska.
Mr Macron ayaa sidoo kale noqday madaxweynihii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 1958 ka soo baxa xisbi aan ahayn labada axsaab ee ugu waaweyn Faransiiska.
"Waxaan dhagaystay carada, walwalka iyo shakiga aad muujiseen qaar badan oo idinka mid ah," ayuu yiri madaxweynaha cusub, asagoo wacad ku maray in shanta sano ee soo socota uu ka shaqeyn doono mideynta shacabka dalkiisa.
Kumannaan taageerayaasha Macron ah ayaa isugu soo baxay bartamaha caasimadda Paris, halkaas oo uu kula hadlay madaxweynaha cusub.
Madax badan oo caalamka ah, oo uu ka mid yahay Trump-ka Maraykanka ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Faransiiska.
Ammaanka caasimadda Paris iyo qeybaha kale ee dalka ayaa weli si weyn loo sugayaa.
No comments:
Write comments