Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray jadwalka shaqada ay soo
gelayaan shaqaalaha dowladda federaalka, sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiska Xasan Cali KheyreWareegtada ayaa faraysa dhamaan shaqaalaha dowladda in 8:00 subaxnimo inay shaqada soo galaan, syna ka banaan 4:30 galanimo, iyadoo maalinca khamiista 1:30 duhurnimo ay ka baxayaan.
Wadarta guud ee todobaadkii ayaa shaqaale kasta laga doonayaa inuu shaqeeyo sida ku cad qodobka xeerka shaqaalaha Lr. 11.
Maalintii khamiista ayaa xafiiska ra’iisul wasaaraha laga celiyay wasiir kuxigeen kasoo dib dhacay shirkii golaha wasiirada. waxaana maalmahaan uu ra’iisul wasaaruhu waday kormeero kedis ah oo uu ku tegayo xarumaha dowladda si uu ugu guurgalo sida ay u socdaan howlaha iyo xiliyada shaqada.


No comments:
Write comments