Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay naftii halige ayaa lagu weeraray kolonyo
gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, kuwaasoo marayay inta u dhaxeysa wasaradda gaashaandhiga iyo kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad.
Gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay gaarigii uu la socday taliyaha ciidamada xoogga dalka, gaarigaasi oo ahaa nooca aan xabadaha karin, kazoo sahley in taliyuhu waxba soo gaarin. laakiin wararku waxay sheegayaan in ay ku dhinteen ciidamo la socday iyo dad rayid ah oo wadada marayay.
Qaraxa ayaa dhacay kaddib markii Kolonyada taliyaha la socday ay ka soo baxeen Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo ay ka dhacday Munaasabada xil wareejinta Taliyaha cusub iyo Abaanduulaha cusub ee ciidanka xoogga dalka.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inuu bad qabo Taliyaha ciidamada xoogga dalka, isla markaana aanu waxba soo gaarin.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa ku badbaaday gaariga uu saarnaa oo ahaa nooca aan xabadaha karin ee qaaliga ah, marka uu qaraxu dhacana si automaatik isku xirayo, gawaaridaasi oo madaxda dowladda intooda badan ay ku socdaa
No comments:
Write comments