Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Meydka iyo gaarigii qarxay ee dableydii hoobiyaha ku weeraray garoonka diyaaradaha oo lasoo bandhigay

 

Ciidamada sirdoonka iyo nabadsugida qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay meydka labo dabley hubeysnaa oo hoobiyeyaal ku tuuray jihada garoonka diyaaraddaha iyo xaafadaha ku dhowdhow ee degmada Wadajir.
Dableydaan oo ay toogteen ciidamada NISA ayaa mid ka mid ah guri dad shacab ah u galay isagoo ka dhex dagaalamay, aakhirkiina la toogtay iyadoo qoyska guriga deganaa laga badbaadiyay.
Gaarigii ay water dableydaan oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa ayaa kaligiis qarxay.
Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in shacabka ay la shaqeeyeen ciidanka ammaanka, taas oo suurtagal ka dhigtay in laga hortago maleeshiyadaan caadaysatay inay shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato u gaystaan.

Xalay ayay ahayd markii ciidammada ammaanka ay degmada Xamar Jajab ku qabteen labo nin oo qaf shacab ah ku dilay degmadaas. iyadoo amaanka magaaladu uu yahay mid faraha kasii baxaya.

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !