Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray Abu Dhabi

 



MadaxweynahaJamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu
hoggaaminayo ayaa xalay gaaray Abu Dhabi, halkaas oo uu wada hadallo kula leeyahay madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhaxal-sugaha boqoltooyada Abu Dhabi Sheik Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo sidoo kale ah taliye ku xigeenka ciidanka guud ee dalka Isutagga Imaaraadka (UAE).


Wararka ayaa sheegaya in labada masuul ay ka wadahadli doonaan xiriirka soo jireenka ah ee labada dalka ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxaana ay sidoo kale ka wada hadli doonaan saldhig ciidan oo dowladda Imaaraadku qorsheyneyso in ay ka furato magaalada Berbera kaas oo ay dowladda Soomaaliyeed ka biyo-diidsan tahay islamarkaana aysan ogoleyn.


Booqashadan ayaa imaaneysa muddo gaaban kaddib markii uu madaxweynaha safar ku tagay dalka Sacuudiga kaas oo uu sidoo kale madaxda dalkaasi kala hadlay sidii dowladda Imaaraadka loogu qancin lahaa in ay ka laabato hammigeeda ah in ay saldhig ciidan ka sameysato dekedda Berbera oo ku taal deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.


Waa booqashadii saddexaad oo caalamo ah taas oo uu madaxweynuhu ku bixinayo dowlado saaxiib la ah Soomaaliya tan iyo markii lasoo doortay muddo saddex bilood ka hor.
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !