Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

'Kiimiko lagu weeraray' magaalada Idlib oo ay ku dhinteen 58 ruux

 

Ugu yaraan 58 ruux ayaa ku dhimatay dad kale ayaana ku dhaawacmay weerar laga shakiyay in
kiimiko loo adeegsaday oo ka dhacay magaalo ay jabhaduhu haystaan oo ku taalla waqooyiga-galbeed ee dalka Suuriya, sida ay sheegeen koox la socota arrimahaas.
Kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Khan Sheikhoun ee ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ama Suuriya ay sababeen in dad badan ay neefqabatoobaan.
Intaas ka dibna diyaarado dagaal ayaa duqeeyay rugo caafimaad oo lagu dawaynayay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii hore, sida ay sheegeen dadka xuquuqda aadanaha u dooda.
Dawladda Suuriya ayaa si joogto ah u diida in ay isticmaasho hub kiimiko ka samaysan

Haddii la xaqiijiyo in weerarkan kiimiko loo adeegsaday wuxuu noqon doonaa midkii ugu waxyeelada badnaa ee noociisa ah ee ka dhaca Suuriya tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billawday lix sano ka hor.

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !