Koox-diimeedkii cusbaa ee Soomaaliya kaga dhawaaqay ururka oo ay soo wajahayaan ciriiri dhinacyo badan
Qaar ka mid ah Jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay
in ay shaqada ka fariisiiyeen shaqaale ka tirsanaa jaamacadahaas oo shaaciyey in ay xubno ka yihiin urur diimeed la magacbaxay Al-Saadicuun Bil-Xaq oo dhowaan looga dhowaaqay qaar ka mid ah waddamada Islaamka oo ay Soomaaliya ku jirto.
Mas’uuliyiinta jaamacadahan ayaa sheegay in xeerarkooda ay ka mid yihiin in shaqaalaha jaamacadda aysan xubno ka noqon karin koox diimeed gaar ah.
Sidoo kale maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubnaha ururkaasi kaga sugan magaalada Hargeysa.
No comments:
Write comments