Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Ra`iisul wasaare Khayre oo maanta kormeer ku tagay dekedda Muqdisho

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo
weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dekedda Magaalada Muqdisho. waxayna kulan looga hadlayey dar-dargelinta howlaha shaqo la qaateen maamulka dekedda.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kala hadlay maamulka howlaha ka socda dekadda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxuuna waydiiyay wax yaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman dekedda Muqdisho. Isagoo la falan qeeyay geedi socodka shaqada iyo qorsha dhaw ee la rabo in wax looga badelo qaab dhismeedka dekedda,waxuuna bogaadiyey sida ay howluhu u soconayaan.

Dhanka kale, wuxuu maamulka Maaliyadda gaar ahaan qeybta Furdada Xamar kala sheekeystay sida loo maareeyo dakhliga ka soo xarooda dekadda iyo meelaha ay ku baxaan,isagoo madaxda ugu baaqay inay ka fogaadaan musuq-maasuqa oo uu sheegay Ra'iisul Wasaarahu inuu yahay cadowga koowaad ee dawladnimada.
“Waxaan idinka codsanayaa in aad soo sheegtaan qofkii aad ku aragtaan ama aad dareentaan isgoo samaynaya qorshe la xariira musuq-maasuqa in aad sheegtaan,waxaan idin balan qaadaynaa tallaabo sharci ah in aan ka qaadno”, ayuu yiri R.W Xasan Cali kheyre.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa boggaadiyey horumarka baaxadda leh ee ka socda dekedda, isagoo ka dalbaday maamulka iyo shaqaalaha inay sii wadaan howsha ay qaranka u hayaan.


No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !