Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

MAHDI: ” – Madaxweyne Farmaajo waxa uu diyaar u yahay in uu Hargeysa ka dago isaga oo calanka soomaaliyeed sida”

 


























Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay dardar galiso sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo hakad galay.
Ra`iiisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa BBC-da u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargaysa isaga oo sida calanka Soomaaliya.
Wadahadallada u dhexeeya labada dhinac ayaa soo bilowday sannadkii 2012-kii, waxaana sanadkii 2014-kii galay hakad, iyadoo intaas wixii ka dambeeyey ay jireen hadallo xanaf leh oo ay warbaahinta isu marinayeen masuuliyiinta labada dhinac.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu xilka qabtay ballan qaaday in uu dardar galin doono wadahadalka labada dhinac asagoo sheegay in xukuumaddiisu ay dhagaysan doonto wixii tabasho ah oo jira sida uu BBC-da u sheegay, Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
Mahdi Maxamed Guuleed wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay arrinta wadahadalka u samaysay qorshe iyo jadwal la doonayo in xal lagu gaadho, balse arrintaas ay hakad galiyeen doorashooyinkii ka dhacay Somaliland asagoo sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay isku afgarteen in arrinta wadahadalka dib loo bilaabo wixii ka dambeeya doorashooyinka madaxtinimo oo la sugo hadba madaxweynihii la doorto.
Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda labada dhinac ay qorshaynayeen in ay kulmaan bishii Maarso ee sanadkan, hase ahaatee kulankaas uu qabsoomi waayey sababo la xidhiidha arrimo farsamo iyo xiisad ka dhalatay dagaalkii Tukaraq oo uu sheegay in dawladda federaalka ahi ay xoogga saartay sidii loo xallin lahaa colaadaas walina ay ku tala jiraan dardargalinta oo ay dhankooda diyaar yihiin.
Mahdi Maxamed Guuleed, Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa sidoo kale tibaaxay in la gaadhay xilligii madaxweyne Farmaajo uu ka dagi lahaa Hargaysa oo wadahadalku uu dib uga bilaaban lahaa dhul Soomaaliyeed asagoo intaas ku daray in midowgii labada gobol ee 1960-kii aanay jirin cid dhex dhexaadinaysay balse ay ku timid boholyoow iyo hilow Soomaaliyeed.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wadahadalka labada dhinac oo bilowday sanadkii 2012-kii uu iminka hakad ku jiro, hakad kaansna ay keentay cabashadii dawladda Federaalka ahi ay ka muujisay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Somaliland, Itoobiya iyo Sharikadda DP World ee ku aaddanaa dekedda Berbera, balse wuxuu sheegay in taas macneheedu aanay ahayn in aanay diyaar u ahayn in wadahadalka dib loo bilaabo


No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !