Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Cali C/llaahi Cosoble, ayaa ka hadlay suuragalnimada in Gobolka Banaadir uu yeesho
maqaamkii uu xaqa u lahaa.
maqaamkii uu xaqa u lahaa.
Cosoble ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu ka maqan yahay xuquuq, waxa uuna ku baaqay in si ay ku jirto daacadnimo Gobolka loo siiyo xuquuqdiisa.
Cosoble ayaa sheegay in dadku ay yihiin kuwo isku khalda Gobolka Banaadir iyo Muqdisho, waxa uuna ku kala sifeeyay in Gobolka uu yahay deegaan dad leeyahay oo fac ka fac soo jiray, halka Muqdisho ay tahay Caasimadii dalka.
”Gobolka Banaadir waxa uu xaq u leeyahay waxa ka maqan waayo waa in la kala qaada magaca Gobolka iyo Muqdisho”
Cosoble waxaa uu sheegay in Gobolka Banaadir ay xuquuqdiisa dhiman tahay, isagoo xusay in saddex milyan ka badna ku nool yihiin, waxaa uu soo jeediyay si aysan cuqdad u gelin in dadka ku nool ay aayahooda ka taliyaan.
Cosoble waxa uu Madaxda Qaranka ugu baaqay inaysan iska indha tirin wixii xaqiiqda ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay in lagu tuntay xuquuqda dadka dega Gobolka Banaadir.
Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyaha ayaa ballanqaaday in Hirshabelle ay qeyb ka noqon doonto dhinacyada ka shaqeynaaya raadinta xuquuqda Gobolka.
No comments:
Write comments