Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

19 ruux oo ku dhimatay manchester qarax ka dhacay goob ay ka heeseysay fannaanad caan ah iyo fal argagixiso oo loo maleeynayo

 
Waxaa ku  dhimatay 19 Ruux, 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar la rumeysan yahay in uu ahaa mid
aragagixiso oo ka dhacy saaxada lagu qabto munaasabadaha heesaha oo ku taalla magaalada Manchester ee dalka Ingriiska.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay fannaanadda Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay Mareykanka.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga gala saaxadda.

Boosteejada tareenada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.
Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse ra'iisal wasaaraha Britain, heresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.

Warar aan la xaqiijinin oo laga soo xigtay s mas'uuliyiin aan magacooda la asheegin oo Mareykan ah ayaa sheegaya in qof is qarxiyay uu weerarkaasi geystay.

Mid ka mid ah dadkii halkaasi joogay ayaa sheegay in xooga qaraxa dartii uu ku dhacay meel dhawr mitir ujirta,markii uu soo kacay na uu indhaha saaray dad daadsan dhulka.
Waxaana goobta isku gedaamay ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka, iyadoo a xiray waddada marta halka uu qaraxa ka dhacay.

Nin ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sharaxay sida qaraxa uu u dhacay, iyadoo taagerayaashii ay ka baxayeen halkii lgu qabanyay bandhig faneedka.

Majid Khan, oo 22 jir ah kuna sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay oo sharaxay sida ay wax u dhaceen ayaa waxa uu yiri '' qarax weyn oo ka argagixiyay qof walba ayaa ka dhacay halkaasi, qof walbana waxaa uu isku dayay inuu baxsado''.
Majid waxaa kale oo uu yiri ''wuxuu ahaa hal qarax oo qof walba oo joogay dhinaca kale ee laga maqlay qaraxa waxaa uu usoo cararay halkii an joognay iyagoo isku dayaya inay ka baxaan goobta''.

Oliver Jones, 17 jir bandhig faneedkana kala qeyb galay walaashi ayaa yiri: ''dhawaqa qaraxa waxaa laga maqlay goobta oo dhan qof walbana wuxuu billaabay inuu baxsado''.

''Jahwareer ayaa jiray iyadoo dadka ay jihooyin kala duwan u cararayeen'', ayuu sii raaciyay Oliver.


Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa u sheegay ciidamada howlgalada gaarka ah ka sameynaya magaalada Muqdisho in looga baahan yahay inay si wanaagsan ula macaalimaan shacabka Soomaaliya.

 
Ra’iisul wasaarahe Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in caqabada kaliya ee heysata Shacabka Soomaaliyeed inay tahay amaanka,
isagoo cadeeyay haddii aan la helin in wax horumar ah aan laga gaari karin dalka Soomaaliya.
Ciidamada la doonayo inay howlgalka gaarka ah ka sameeyaan magaalada Muqdisho ayuu kula dardaarmay si amaankaasi loo heli marka hore inay abuurtaan kalsoonida shacabka oo ay isla wada shaqeeyaan.
“Dadka Soomaaliyeed ee aad u tageysaan waa inaan ixtiraamnaa, waan idiin amaaneynaa wax walbaa oo aad xaq u leedihiinna waad heleysaan, laakiin waa inaad shacabka si wanaagsan ula macaamishaan”ayuu yiri Mr Kheyre.

Dhinaca kale wuxuu si cad u sheegay in caqabada Soomaalida heysata inay tahay amni haddii la helana horumar kastaa la gaari karo
“Haddii aan amni jirin, adduunyada nalama dhaqmi karto, haddii aan amni jirin dhaqaalo lama helayo, haddii aan amni jirin horumar lama gaarayo, balse waxaan idinka codsanayaa inaad soo celishaan sharafta iyo karaamada dalkaan uu lahaa”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka

Ciidamadii loo sameeyey Muqdisho oo arrin yaab leh sameeyey iyo Kheyre oo dhiirageliye

 
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada
wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

Ciidanka wadajirka ah oo saakay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.
Ciidanka ayaa sidoo kale isla maanta howlgal kaa la mid ah ka sameeyey degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob Hubka lagu sameeyo, laguna gado. Ciidanka ayaa la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi’inayey numberkooda. Waxaan goobtaas laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maqaayad ku taala Wardhiigley la fariistay dhalinyaro halkaas joogtay oo uu ka wareystay xaaladooda. Waxaana halkaas ku soo maray ardey iskuul ka soo baxday oo uu Ra’iisul Wasaarahu wareystay xaalada waxbarashadooda. Waxaana gabdhihii ardeyda ee uu la kulmay ka mid ahaa gabdho ka yimid London UK oo Wardhiigley iskuul ka dhigta, iyagoo sheegay sida ay ugu faraxsanyihiin inay madaxdooda la sheekeystaan iyo inay Soomaaliya wax ku bartaan

Shirka wadamada Islaamka iyo maxay somaliya iyo Maraykanka??

 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi “Farmaajo” oo
ku sugan dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha Ciidamada Cirka ee Boqor Salmaan, 

waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid ahaa ku xigeenka Amiirka Gobolka Riyaad Amiir Maxamed Ibnu C/raxmaan Bin C/casiis,

 kadibna waxa uu Qasriga Boqortooyada ku qaabilay Boqorka Dalkaasi Boqor Salmaan, waxayna si weyn iskula soo qaadeen Xiriirka fog ee ka dhaxeeya labada Dal ee Walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi u tegay si uu uga qeybgalo shirka Madaxda dalalka Islaamka iyo Mareykanka, kaasoo inta badan diradda lagu saaray la dagaalanka Kooxaha argagaxisada ah ee ku faaftay dhammaan daafaha Dunida, 

waxaana Shirkaasi furay Boqorka Wadanka Sacuudiga Boqor Salmaan, waxa uuna soo dhaweeyay in Dalkiisa uu hormuud u noqdo, 

islamarkaasna laga dhiso xaruun lagala dagaalamo Argagixisada, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah caalamku u wajaho, ayna horboodaan Wadamada Islaamka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay dalalka Muslimka ah inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish iyo kuwa la halmaala,

 isagoo hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo Muslimta ee ka qeybgalaya kulanka ka dhacaya Magaalada Riyad u sheegay in ay ahayd “dagaal u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”, waa sida uu hadalka u dhigay.

Trump, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo Waddamo isbahaysi ah, kuwaa soo wadaaga hadafka ah cirib tirka xagjirnimada, wuxuuna taa ka yiri:-“Tani ma aheyn dagaal u dhexeeya diimo kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan, ee tani waa dagaal u dhexeeya dambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u baahan in la ilaaliyo”.
Waxaase xusid mudan in Madaxweyne Donald Trump oo lix wadan oo Muslim ah oo ay ka dhaceen weerarro argagixiso ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, ayaan adeegsan halku dhagiisii ahaa “Argagixisada Asal-Raaca Islaamka ah”, kaasoo ah mid si joogto ah ugu jira khudbadihiisa dalkan Maraykanka, taa beddelkeeda ayuu hoggaamiyaasha Muslimka ugu baaqay inay si hagar la’aan ah uga hortagaan argagaxisada, wuxuuna yiri “dhibaatooyinka xag-jiriinta Muslimka ah iyo kooxaha Islaamistayaasha ah ee ay dhiirragaliyaan”.
Shirkaasi ayay Wadamada Islaamku aad ugu dhegataagayeen waxa uu ka dhihi doono Madaxweynaha Wadanka Maraykanaka oo lagu yiqiin hadallo meel ka dhac ku ah Dadyoowga Islkaamka, balse waxa uu la yimid arrimo taasi ka duwan waloow lagu yaqaan Nin isbed-bedel badan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgalay ayaa si gaar ah ula kulmo qaar ka mid ah Madaxda shirkaasi ka qeybgaleysa oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Trump, waxayna isla soo qaadeen arrimo khuseeya labada wadan iyo labada shacab, iyadoo Trump uu ku casuumay Mudane Farmaajo inuu socdaal ku tago Aqlka cad ee Magaalada Washinton, iyadoo casuumadaasi ay si rasmi ah u soo bixim doonto marka uu Trump ku laabto Dalkiisa.

Shirkaasi ay wada yeesheen Madaxda Wadamada Islaamka iyo Marakanka ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid aad u xasaasi ahaa, waxaana aad looga dhawaajiyay Argagaxisada iyo sida loola dagaalami karo, iyadoo Dalka Sacuudiga laga sameeyay xaruurta isku xirka la dagaalanka Kooxahaasi.

Maxaad ka taqan xildhibanada mucaarad ka ah ee xisbiga Horusocod....

 
Xildhibaan Idiris Cabdi Taktar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaanada mucaarad ah ee ku dhawaaqay xisbiga Horusocod.
Xildhibaanka ayaa sheegay in isaga ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka ee markii ugu horeysay mooshinka ka keenay magacaabidii ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, balse qof kastaa aragtidiisa ay isbadli karto.
Xildhibaanada Mucaaradka ah ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaa danta ummada Soomaaliyeed oo xiligan aan la joogin waqtigii la mucaaradi lahaa dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in xiligan xildhibaanada ku deg degayaan mucaaradnimada ay keeneen, sida uu sheegay.
“Aniga waxaan kamid ahaa dadkii mooshinka ka keenay xukuumadii ra’iisul wasaaraha, laakiin xiligan ma qabo in la deg dego oo dadka la walaaciyo, waxaa wanaagsan in laga fiirsado wax walbaa”


DEG DEG: Cali Khaliif Galeyr oo lagu arkay Magaalada Hargeysa iyo Warar sheegaya in Somaliland…

 
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in magaaladaasi uu gaaray madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo lagus oo dhaweeyay magaalada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya socdaalka magaalada Hargeysa uu ku tagay markii labaad madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo sanadkii hore tagay magaalada Hargeysa.
Cali Khaliif Galeyr ayaa magaalada Hargeysa kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda maamulka Somaliland oo uu kala hadlayo arimo dhowr ah, sida masuuliyiinta Hargeysa ay sheegeen.
Wararka ayaa sheegaya in Cali Khaliif Galeyr uu halkaasi kaga sii dhoofayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo Kenya kula kulmayo masuuliyiin kala duwan.
Madaxweynaha KHaatumo ayaa dhawaan sheegay inaysan sii socon karin wadahadalka u dhaxeeyo Somaliland iyo Khaatumo, mana la oga sida ay arintaasiku dhaqan geli karto.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo hadda ka duulay garoonka Aadan Cadde

 
Wafdiga madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga halkaasi oo ay kaga qeyb
galayaan shir la filayo inuu ka dhaco magaaladaasi oo u dhaxeeya dowladdaha Islaamka iyo dowladda Mareykanka.
Shirkaasi waxaa ka qeyb galaya hogaamiyaasha dalalka Islaamka iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaase ka cudur daartay ka qeyb galgiisa madaxweynaha Sudan Cumar Xasan AlBashiir.
Inta badan shirkaasi ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-qaacida iyo ISIS oo dhibaato ku ah dalal badan oo caalamka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya inta uu halkaasi ku sugan yahay ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynayaal kala duwan, waxaana aad loo hadal hayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Saraakiil iyo ciidamo ka socda dalka Sambia oo ku biiray booliska AMISOM

 
Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray afar sarkaal iyo 22 ciidamo boolis ah oo ka socda dalka Sambia,
kuwaasi oo ku biiray booliska AMISOM ee taageera dowladda federaalka Somalia.

Dalka Sambia oo aan ka mid aheyn howlgalka AMISOM, hase ahaatee dalal badan sida Nigeria, South Afrika, Tanzania, Kenya, Uganda, Jabuuti, Itoobiya iyo dalål kale ayaa qeyb ka ah ciidamada booliska AMISOM

Ciidamadaan cusub ee gaaraya 22 iyo afarta sarkaal ayaa taageeri doona howlgalka AMISOM ee qeybta booliska, waxayna caawin doonaan booliska dowladda federaalka.










Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay hanaanka ay u dhaqan galinayaan qodobada ku qoran Dastuurka dalka.

 
Madaxweynaha waxa uu sheegay inay ku adkaan doonto in shaqsi ahaan tiisa uu ka saro maro waxa ku qoran sharciga dalka waxa
uuna cadeeyay inuu noqon doono qofka ugu horeeya ee uu qaban doono sharciga.
Farmaajo waxa uu sheegay in qorshaha 4 sano ee soo socta uu yahay in laga danbeeyo qodobada sharciga ah ee ku qeexan Dastuurka waxa uuna wacad ku maray inuu tixgalin gaara siin doono sharciga.
Mar wax laga weydiiyay 100ka maalin ee u dhamaaday iyo sharciyada dalka ayaa waxa uu sheegay in Boqolka maalin ee uu soo qaatay uu ilaa xad dhaqan galiyay waxyaabo horay looga talaabi jira.
Waxa uu sheegay inuu jideeyay dhowr waxyaabood oo caado ahaan lala baalmari jiray sharciga, waxa uuna ballanqaaday in inta harsana uu sii xoojin doono sharciyada dalka iyo ku dhaqankooda.
”Aniga waxaa ii muuqda ku dhaqanka sharciyada waxaan qabaa in haddii ay dhacdo dayacaad dhanka sharciga ay ka dhigan tahay Somalia oo aanu ka jirin kala danbeyn”
”Boqolka maalin ee ii xirmay waxaan ka dhabeeyay hirgalinta sharciyo aan horay loo dhaqan galin, wax waliba waxaan ku saleeyay cadaalada iyo sharciga, inta harsan waxa ay dhameystirmi doonaan boqolka xiga”
Madaxweyne Farmaajo waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga dhabeeyo sida ay dowladiisa u jideysay ku dhaqanka iyo qaadashada sharciga.

Haddalka Farmaajo ayaa imaanaya xili la hadal hayo Boqolkiisa maalin ee ugu horeeyo, waxaana xusid mudan in wakhtig yar ee uu joogo la imaaday Siyaasado cusub.

Donald Trump oo ka guddoomay Boqor Salmaan bilad sharaf qoorta loo geliyay

 

Madaxweynaha Mareykanka oo booqasho ugu bilaabaday bariga dhexe gaar ahaan boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si maqaam heer sare ah loogu soo dhoweeyay,
waxaana la guddoonsiiyay bilad sharafta ugu sareysa boqortooyada Sacuudiga ee uu bixiyo Boqorka.

Donald Trump ayaa qoorta hoos u dhigay isagoo dhabarkana godliyay si Boqor Salmaan Bin C/casiis ugu geliyo blad sharafta oo ka sameysan dahab loo ekeysiiyay dharka boqorka.


Hab dhaqanka iyo sharafta madaxda booqda qasriga Boqortooyada ayaa ah in lagu sharfo bilada ugu sareysa dalkaasi iyo hadiyado kale

Dhowaan waxaa Soomaaliya kasoo shaac baxay koox xildhibaano ah oo la magac baxay

 





















madasha Horusocod, kuwaasi oo dad badan u arkay inay caqabad ku yihiin nidaamka dowladnimo iyo dowladda cusub ee xitaada aan boqolka maalmood jirin
Baaritaan kale oo ay Caasimada Online sameysay ayaan kusoo ogaanay sababtii dhalisay kooxdan iyo ujeedada rasmiga ah ee laga lahaa.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in madashan ay ku dhalatay qorshe ay rabeen Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Mahad Salaad oo socon waayey. Labadan xildhibaan ayaa ka mid ah kooxda Damu-Jadiid ee talada dalka lagala wareegay.

Xildhibaano codsaday inaan magacooda la shaacin ayaa Caasimada Online u sheegay in Faarax Cabdulqaadir uu guddoomiye Jawaari ka codsaday in laga dhigo u qeybsanaha baarlamanka Soomaaliya ee arrimaha carabta iyo in Mahad Salaad laga dhigo u qeybsanaha arrimaha Afrika.

Arrintan ayaa laga lahaa laba ujeedo. Tan koowaad oo ah in Faarax uu mashruucyo badan u helo hay’adahiisa waxbarashada ee inta badan ku xiran Carabta iyo inuu taas uga faa’iideysto inuu dowladda kala dagaalamo dhinaca Carabta, halka Mahad Salaadna loo xil saaray dalalka deriska iyo kuwa Afrika.

Jawaari ayaa marka hore ogolaaday codsiga Faarax Cabdulqaadir, hase yeeshee waxaa markii dambe ka hor yimid guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana Jawaari ku qasbanaatay inuu ballanta uga baxo Faarax Cabdulqaadir iyo Mahad Salaad.

Labadan xildhibaan ayaa ayaga oo ka duulaya arrintan dhisay xildhibaanada Horusocod, oo ay gadaal ka hagayaan, waxayna guddoomiye uga dhigeen Cabdirashiid Xiddig, si mooshin xil ka qaadis looga keeno Jawaari.

Waxaa sida la sheegay inay isku haleenayaan xidlhibaanada baarlamanka ugu jira Damu-jadiid. Waxaa sidoo kale ay la hadleen xildhibaanada kooxda Daljir, ayaga oo isku sheegay in haddii ay midoobaan ay xukunka ka tuuri karaan Jawaari.

Qorshaha xilka looga qaadayo Jawaari, ayaa waxaa sidoo ku xigi lahaa qorshe kale oo fog oo ah in ra’iisul wasaare Kheyre xukunka laga tuuro, taasi oo aan hadda hir-gelin karin maadaama guddoomiye baarlaman oo qorshahan qeyb ka ah uusan jirin.

Xildhibaano badan ayaa la sheegay in ka horyimaadeen labadan qorshe ayaga oo ku dooday inay caqliga saliimka uu diidayo in arbushaad lagu kiciyo dowlad jirta kaliya 3 bilood.

15 qodob oo loo diyaariyay fulinta qorshaha amniga Muqdisho

 

Hay’adaha Amniga iyagoo ka duulaya go’aamadii Golaha Wasiirada ee 11kii
May 2017 waxey diyaariyeen barnaamijyadii ay ka mid ahaayeen:
1. In la xareeyey ciidankii isku-dhafka ahaa ee howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
2. Maamulka Gobolka Benadir oo u diyaar garoobay iskudubaridka sidii ciidanka uga howlgali lahaayeen caasimada.
3. Gobolka Benadir oo hirgeliyey go’aankii ahaa inaan gaadiidka la dhigan karin wadada Makka Al-Mukaramma oo Gobolka iyo Ciidanka Taraafikada ay howlgalkooda bilaabeen.
4. Maamulka Gobolka oo hirgeliyey Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir oo waxweyn ka taraya sidii caasimada amnigeeda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn kara
1. In la xareeyey ciidankii isku-dhafka ahaa ee howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
2. Maamulka Gobolka Benadir oo u diyaar garoobay iskudubaridka sidii ciidanka uga howlgali lahaayeen caasimada.
3. Gobolka Benadir oo hirgeliyey go’aankii ahaa inaan gaadiidka la dhigan karin wadada Makka Al-Mukaramma oo Gobolka iyo Ciidanka Taraafikada ay howlgalkooda bilaabeen.
4. Maamulka Gobolka oo hirgeliyey Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir oo waxweyn ka taraya sidii caasimada amnigeeda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn kara

5. Ciidanku waxey kaloo diyaariyeen qorshihii lagu hirgelin lahaa in Caasimadda looga mamnucayo ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-
a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
b. Kuwa wata warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah
6. Sidoo kale Ciidanku waxey diyaariyeen qorshihii looga mamnuucayey dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK 47.
7. Ciidanka Booliska oo diyaariyey qorshihii ay ku dhisayeen ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.
8. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.
9. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.
10. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.
11. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.
12. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.
13. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-
a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.
14. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
15. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.
Dhammaan go’aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.

Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Cali C/llaahi Cosoble, ayaa ka hadlay suuragalnimada in Gobolka Banaadir

 
Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Cali C/llaahi Cosoble, ayaa ka hadlay suuragalnimada in Gobolka Banaadir uu yeesho
maqaamkii uu xaqa u lahaa.

Cosoble ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu ka maqan yahay xuquuq, waxa uuna ku baaqay in si ay ku jirto daacadnimo Gobolka loo siiyo xuquuqdiisa.
Cosoble ayaa sheegay in dadku ay yihiin kuwo isku khalda Gobolka Banaadir iyo Muqdisho, waxa uuna ku kala sifeeyay in Gobolka uu yahay deegaan dad leeyahay oo fac ka fac soo jiray, halka Muqdisho ay tahay Caasimadii dalka.

”Gobolka Banaadir waxa uu xaq u leeyahay waxa ka maqan waayo waa in la kala qaada magaca Gobolka iyo Muqdisho”
Cosoble waxaa uu sheegay in Gobolka Banaadir ay xuquuqdiisa dhiman tahay, isagoo xusay in saddex milyan ka badna ku nool yihiin, waxaa uu soo jeediyay si aysan cuqdad u gelin in dadka ku nool ay aayahooda ka taliyaan.
Cosoble waxa uu Madaxda Qaranka ugu baaqay inaysan iska indha tirin wixii xaqiiqda ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay in lagu tuntay xuquuqda dadka dega Gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyaha ayaa ballanqaaday in Hirshabelle ay qeyb ka noqon doonto dhinacyada ka shaqeynaaya raadinta xuquuqda Gobolka.




Banaadir, Galmudug, HirShabeele, K/Galbeed & Jubbaland oo maanta si isku mid ah…

 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kumanaan arday oo dhigta dugsiyada Sare ka qaadeyso Imtixaan Mideysan

Kumanaan Arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.


Ardayda maanta u fariisinaya imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha waxbarashada ayaa horay ugu heshiiyay in si wadajir ah loo qaado Imtixaanaadka mideysan.

Sidoo kale waxaa imtixaanka mideysan ee Wasaaradda Waxbarashada qaadeyso ayaa ka bilaabanaya qaar ka mid ah gobolada dalka ee Soomaaliya Sida Galmudug , Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.


Madaxweynaha Sudan Cumar al- Bashiir oo Donald Trump dartiis uga baaqsaday shirka Sacuudiga

 
Dowladda Sudan ayaa sheegtay in madaxweyne Cumar al-Bashir uu doortay
inuusan ka qeyb galin shir madaxeed ka dhacaya magaalada Riyadh, kaasi oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka qeyb galayo.
Bashir ayaa la sheegay inuusan dooneyn inuu waxyeeleeyo xiriirka Mareykanka iyo Sudan.

Wasiirka warfaafinta Ahmed Bilal ayaa sheegay in Khartoum ay garowsan tahay in dacwadaha ay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada kusoo oogtay Bashir, ay adkeynayaan inuu la kulmo Trump.
Bilal ayaa sheegay in la kulanka Bashir ay dhibaato u keeni karto Trump oo la filayo inuu go’aan ka gaaro in gebi ahaanba la qaado cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka uu saaray Sudan sanadii 1997-kii.

“Haddii Trump uu la kulmo Bashir waxay saari doontaa cadaadis, waxayna taas fursad u noqon doontaa mucaaradka diidan in cunaqabateynta laga qaado Sudan” ayuu yiri Bilal.

al-Bashir ayaa waxaa baadi goobaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee magaalada Hague ee ICC ayada oo lagu tuhmayo xasuuq iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur.

Gaari dad badan ku jiiray fagaaraha Times Square ee magaalada New Nork

 
Bartamaha magaalada New York, gaar ahaan fagaaraha Times Square ayaa

baabuur dad badan ku jiiray , halkaasi oo ugu yaraan hal qof uu ku dhintay, 20 qof oo kale ayaa lagu soo warramay inay ku dhaawacmeen dhacdadan.







Sida ay wararku sheegayaan ma muuqato in arrintan ay xiriir la leedahay fal argagixisanimo, sida laga soo xigtay booliiska New York.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in darawalka baabuurkan ay xireen booliiska.


Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu war-geliyey dhacdadan, waxaana la sheegay in lala socodsiin doono wixii kusoo kordha, sida uu sheegay afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer.

Faahfaahinada ku saabsan shilkan ayaa weli soo baxaya. Booliiska ayaa xiray gebi ahaan goobta uu shilka ka dhacay. 

Ninkii ka dambeeyay qaraxii suuqa Beerta ee degmada Waaberi oo la toogtay

 
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay
ninkii soo abaabulay weerarkii lagu le'day ee ka dhacay suuqa beerta ee degmada Waaberi 27-kii November 2016, qaraxaasi oo ay ku dhinteen 30 qof. 

C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa 40 sano jir ayaa qirtay in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari isla markaana uu xasuuqay dad shacab ah.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in C/qaadir Cabdi Xasan ay ku cadaatay dambigii lagu soo eedeeyay, waxaana la qabtay ninkaan xili uu doonayay in uu is qarxiyo markii uu dhacay qaraxii gaariga uu soo abaabulay.

Dilalka toogashada ayaa si dardar ah u socda mudooyinkaan, kadib markii uu saxiixay amarka dil sugayaasha madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Interested for our works and services?
Get more of our update !