Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Wasiirka warfaafinta oo soo saaray amar ku socda agaasimihii wasaarada oo diiday inuu xilka wareejiyo

 

Agaasimihii hore ee wasaarada warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf "Bahlaawi" ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista wasiir Yariisoow ku sameeyay isla markaana diiday inuu xilka wareejiyo.
Bahlaawi oo mudo toban sano ahaa agaasime aan dhicin ayaa sidoo kale ka horyimid talo soo jeedin ra'iisul wasaaraha ka timid, waxayna noqotay xaalada mid cairn.

Wasiirka warfaafinta C/raxmaan Yariisoow ayaa amar kale soo saaray oo laamaha amaanka faraya in Bahlaawi uusan soo geli karin xarunta wasaarada warfaafinta iyo xarumaha warbaaniheed ee dowladda.


C/risaaq Bahlaawi oo xilka agaasimaga guud ee wasaarada warfaafinta qabtay dowladdii C/llaahu Yusuf ilia xiligaasi wixii ka danbeeyay xilka haayay ayaa wasiiradii soo maray wasaaradda warfaafinta ay waxba ka qaban waayeen. musuqmaasuq baahsan iyo ku takri fal badan oo lagu soo eedeeyay.

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !