Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Mareykanka oo in ka badan 50 gantaal oo jawaab u ah weerarka kiimikada ku ganay xarumaha ciidamada cirka ee Suuriya

 

Dowladda Mareykanku ayaa duqeyn ka geystay dhowr saldhig ciidan oo Suuriya ku yaalla xalay, taas oo jawaab u aheyd weerar kiimiko oo arxan darro ahaa oo lagu
qaaday dad rayid ah maalmo ka hor kaas oo lagu eedeyay xukuumadda Bashar al-Assad. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan boqol ruux.


Waa weerarkii ugu horreeyay oo ay ciidamada Mareykanka ku qaadan ciidamada dowladda Siiriya.

Sida ay wararku sheegayaan, 56 gantaal oo nooca Tomahawk loo yaqaan, ayaa laga soo ridey maraakiib kuwa bur burayaasha ah oo ay cidiamada Mareykanku leeyihiin kuwaas oo ku sugan badda Mediterranean-ka, waxayna ku dhaceen xarrumo la sheegay inay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Siiriya.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in weerarkaasi ay ciidamadiisa ku eegteen saldhigyadii laga soo qaaday weerarkii Kiimikada ahaa ee ka dhacay Siiriya maalmo ka hor.
Waxa uu sheegay in Mareykanku uu ka hortagayo in ay dhacaan weeraro kale oo noocani ah.
Dowladda Ruushka oo saaxiib dhow la ah xukuumadda Suuriya ayaa weerarkaasi ku eedeysay kooxaha kasoo hor jeeda dowladda ee gacan-saarka la leh dowladaha reer galbeedka.


No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !