Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka duulay, isagoo kusii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Safarada C/weli Gaas ee Addis Ababa oo noqday kuwo joogto ah, ayaa waxaa markaan safarkiisa uu la xiriiraa ka qeybgalka shirka sanadlaha ah ee Tana forum oo looga hadlo arrimaha amniga Afrika iyo ganacsiga.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya ugu qeybgeli doono shirka Shirkani Tana Forum ee u dhexeeya madaxda Qaarada Africa kaasoo looga hadli doonaa xiriirada wadamada Qaarada Africa, siyaasada, Amaanka iyo wixii ka hirgalay qodobadii laga soo saaray shirkan kii ka horeeyey ee sanad kii hore ay yeeshaan, waxaana uu socon donaa shirkani 22-23 bishan.
No comments:
Write comments