Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta iyo ku xigeenkaTaliyaha ciidamada dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed.
Kulanka oo ahaa mid looga hadlay xiriirka labada dal, iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeyo labada dal, waxaana si gaar ah looga hadlay mashaariiicda Imaaraadku ka fuliyo Soomaaliya ee ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta, qeybna ka aheyd deeqaha lagu gargaarayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen.

Wakaalada wararka Imaaraadka ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya u bandhigay dhaxal sugaha qorshaha dowladiisa ee la dagaalkanka argagixisad iyo dib u soo celinta ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka taageerada joogtada ah iyo kaalmada ay siiso Soomaaliya, iyadoo aan la iloobi karin ayuu yiri is barbartaagga Imaaraadka ee Soomaaliya xilliyada adag ee ay mareyso. wuxuuna mahad aan la koobi karin u celiyay hogaamiyeyaasha Imaaradka Carabta.
Dhaxal sugaha Imaaraadka ayaa dhinaciisa caddeeyay in dowladda Imaaraadka Carabta ee uu hogaaminayo Sheekh Khaliija Bin Zayid Al-nahyan ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya iyo kaalmeynta dib u dhiska hay’adaha dowliga ah si oo xoojiyo ammaanka iyo horumarinta
Wuxuu xaqiijiyay in Imaaraadku sii xoojin doonto xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya ayna taageereyso dadaalka madaxweyne Farmaajo ku doonayo soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

No comments:
Write comments