Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay gaadiid loogu talagalay ilaalinta xuduudaha

 

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Soomaliya, ayaa maanta lagu wareejiyay gaadiid
casri ah oo ku rakiban qalab isgaarsiin, kuwaasi oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo xaduudaha dalka.

Deeqdaan gaadiidka ah ayaa waxaa ka guddoomay hay'adda IOM agaasimaha guud ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha G/Sare Maxamed Adam Jimcaale Koofi.

Munaasabadii wareejinta deeqdaan oo ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweyne kuxigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka tirsan hey’adda IOM.
Gawaridaan ayaa ah kuwo Casri ah oo intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray, waxaana ay gawaaridan sheegayaan in la ogaado haddii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan in ay ka gudban Xaduudaha.


Waxa ay sidoo kale sahlayaan in si dhaqsi ah loo ogaado dadka shark darada ku gudbaya xaduuda iyo tirada ay yihiin isla markaana xaawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo. 

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !