Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb gelay Munaasabada lagu daah-furay duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo diyaaradii u horeysay oo toos ah ay saaka ka dhooftay magaalada Muqdisho kana dagtay Nairobi iyadoo aan sii marin Wajeer.
"Maanta waa maalin taariikhi ah waxaana halkan ku sagootineynaa duulimaadkii u horeeyey muddo toban sano kadib ee toos u aadaya Nairobi, isaga oon ku sii hakan doonin Wajeer, waxayna muujineysaa xushmadda iyo qaddarinta dowladda Kenya ay u heyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri R.wasaare Kheyre oo sidoo kale xusay inay muujineyso in garoonka Aadan-cadde uu u shaqeeyo sida garoomada caalamiga ah, maadaama la xaqiijiyay in duulimaadkii ka soo baxa uu yahay mid la isku haleyn karo oo aan la sii marsiin meelo kale.
Dowladda Kenya ayaa sanaddii 2006 soo rogtay in dhamaan diyaaradaha ka imaanayo Soomaaliya ay ku hakadaan garoonka caalamiga ah ee Wajir si baaritaan loogu sameeyo.
Soomaaliya ayaa in muddo ahba isku dayaysay inay Kenya ku qanciso qaadista xayiraadda duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.
Kenya ayaa horay u sheegtay in tallaaabadaasi ay uga gol lahayd inay kaga gaashaamato khatarta kooxda Al Shabaab.
Waxaa arrintani si diiran u soo dhaweeyay rakaabka oo muddo aan saacad ka badanyn ay ku qaadaneyso wixii hadda ka dambeeyo duulimaadkooda Muqdisho iyo Nairobi. Saaacad dheeraad ayay ku hakan jireen Wajeer si baaritaan loogu sameeyo.
No comments:
Write comments