Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray masjid laga hirgeliyay gudaha madaxtooyada ee magaalada Garoowe:

 
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali "Gaas" ayaa
maanta xariga ka jaray masjid cusub oo laga hirgeliyey gudaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi ee Garoowe.


Masaajidka oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa lagu magacaabay Masjidu Shuhadaa, ssababta magacaasina loogu bixiyay ay ku sheegeen madaxdii ka qeybgashay furitaankii masjidkaasi in loogu magac daray dadkii shuhadada ahaa ee ku dhintay iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ka xil saarnaa ilaalinta shacabka iyo danaha Puntland.


C/weli Gaas ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ilaalinta iyo howlaha kale ee masjidka Shuhadaa ay mas'uuliyadiisa saaran tahay madaxtooyada, isaguna uu hormuud u noqon doono camiridiisa xiliyada salaadaha.




CIRAAQ: Magaalada Mosul oo la isku baaba`ay iyo kooxda ISIS oo ruuxa ag-dhigay xaafadaha kooban ee ay haystaan

 
Dagaalka ka socda magaalada Mosul oo ay ku hardamayaan xulufada ciidamada Ciraaq iyo kooxda ISIS ayaa isugu tagay galbeedka magaalada kaddib markii
magaalada inteeda kale ay la wareegeen ciidamada dowladda Ciraaq oo ku dhowaad lix bilood magaaladaasi la wareegi la
 

Mareykanka oo sheegay in uu ballaarinayo weerarada ka dhanka ah Alshabaab

 
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay
qorshe milateri oo dhigaya in ciidamadda Mareykanka ay dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah ururka Alshabaab.

Qorshahan ayaa milateriga Mareykanka u ogolaanaya in weeraro dheeraad ah oo dhanka cirka ah ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya, Sidoo kalena ay ballaariyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda.

Tallaabadan ayaa horseedi karta in ciidamo dheeraad ah la geeyo gudadaha Soomaaliya. 


War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu meel mariyay codsi ku aadanaa in taageero loo fidiyo ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaalida ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyey

 
Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyey kadib markii uu shalay ansixiyey baarlamanka.
Shirka golaha wasiirada ayaa waxaa guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin abaaraha iyo amniga.
Kheyre ayaa wasiirada amray inay buuxiyaan Foom ay ku cadeynayaan in xubin kasta oo ka mid ah golaha uu waajibkiisa u guto si daacad ah, aamin ah, ayna soo bandhigaan macluumaad rasmi ah oo ku aaadan hantida gaarka ah, iyada oo la waafajinayo sharciga, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Shirka maanta ayaa dhacay ayada oo dhowr hoobiye ay ku dhaceen xaafado ku dhow xarunta madaxtooyada, waxaana ku dhaawacmay toddoba qof.

Xukuumadda Turkiga ayaa Fethulah Gulen ku eedeynaysa in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay

 


http://maandhis.blogspot.com/2017/03/normal-0-false-false-false-en-us-x-none.html
Xogahayaha Arimaha dibedda ee Maraykanka Rex Tillerson aaya magaalada Ankara kula kulmay madaxweynaha dalka Turkiga, Tayyip Erdogan.
Wadahadalka labada mas'uul ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dagaalka looga soo horjeedo
kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.
Mr Tillerson ayaa sheegay in labada dal ay iska kaashan doonaan sidii loo xasilin lahaa goobaha laga saaray kooxda Daacish.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa mar kale ku celiyay sida dalkiisa uu uga xun yahay xiriirka uu Mareykanku la leehay dagaalamayaasha Kurdiyiinta ee ku sugan Suuriya.

Cavusoglu, ayaa ka hadlayay shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka.
Kulankooda ayaa ku soo aaday maanta oo Qaramada Midoobay ay shaacisay in shan milyan oo qof ay gaartay tirada dadka ka soo qaxay dalka Suuriya tan iyo markii ay billaabatay collaada dalkaasi.
Xiriirka Maraykanka iyo Turkiga ayaan wanaagsanayn 8-dii bilood ee la soo dhaafay.
Turkiga ayaa cadaadis ku saarayo Mareykanka in uu gacanta u soo geliyo wadaadka Fethullah Gulen, oo haatan ku nool gobolka Pennsylvania.

Xukuumadda Turkiga ayaa Fethulah Gulen ku eedeynaysa in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay, inkastoo sirdoonka reer Yurub ay arrintaasi shaki gelinayaan.
Maraykanka waxa uu ku adkaysanayaa in go'aanka ah wadaadkan gacanta loo geliyo Turkiga uu yahay go'aan u yaala maxkamadaha oo aanu ahayn go'aan siyaasadeed.

Wasiirka Caddaalada ee dowladda Turkiga Bekir Bozdag ayaa mar sii horreysay si carro leh u naqdiyay xariga loogu geeystay Maraykanka nin bankiyada Turkiga ka shaqeeyo.
Mehmet Hakan Atilla oo madax ka ah bangiga ay dowladda Turkigu leedahay ee Halkbank ayaa wajahayo eedeymo ah in uu ka caawiya Iiran in ay ka dhuumato Cunaqabeeynta la saaray.

Xukun lagu hor istaagay dhaqan galinta xayiraaddii safarrada ee Trump

 
Xaakim ka tirsan Federaalka Maraykanka oo jooga Hawaii ayaa wakhti aan la cayimin kordhiyey inay sii jirto hakinta amarkii socdaalka ee uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Islaam ah.
Xukunka xaakim Derrick Watson ayaa micnihiisu wuxuu yahay in Mr Trump laga hor joogsado dhaqan galinta mamnuucista socdaalka ee Mr Trump inta maxkamadaha la isla marayo. 

Xaakim Watson ayaa xukunka soo saaray Arbacadii, ka dib markii uu dhagaystay doodda qareennada ka kala socday gobolka Hawaii iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanka.
Go'aankiisii hore ee ahaa in si KMG ah loo hakiyo dhaqan gelinta xayiraadda ayuu ka daba keenay amar ah in aan la dhaqan gelin xayiraadda ilaa iyo inta kiiska go'aan laga gaarayo.
Madaxweyne Trump ayaa 6 Maarso soo saaray amar madaxweyne oo muddo 90 maalmood ah ka mamnuucaya muwaadiniinta Iiraan, Liibya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen, 120 maalmoodna mamnuucaya qaxootiga




Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeybgalaya shirka jaamacada carabta oo furmay

 
Madaxda wadamada ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta oo ay Somalia iyo Djibouti ku jiraan, ayaa
kullankooda 28-aad ee madaxda ururkaas sanadkan ku leh magaalada Camaan ee dalka Jordan.

Kullan oo maanta furmay ayaa waxaa madaxdu ay ku billaabeen baaq ku aadan difaaca dhulka ay Israel heysato ee Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeybgalaya shirka ayaa la wadaagay madaxda ka qeybgalaysa shirka horumarka ka jira dalka iyo fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dunida Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, jahwareer siyaasadeed iyo dhibaato dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay madaxda Carbeed in ay u midoobaan sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

Duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo dib u billowday

 
Duulimaadkii u horreeyay ee toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah mudd 11 sano ah ayaa maanta oo Arbaco ah dib u billowday.
Waxay ka dambeysay markii todobaadkii hore ay heshiis wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb gelay Munaasabada lagu daah-furay duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo diyaaradii u horeysay oo toos ah ay saaka ka dhooftay magaalada Muqdisho kana dagtay Nairobi iyadoo aan sii marin Wajeer.
"Maanta waa maalin taariikhi ah waxaana halkan ku sagootineynaa duulimaadkii u horeeyey muddo toban sano kadib ee toos u aadaya Nairobi, isaga oon ku sii hakan doonin Wajeer, waxayna muujineysaa xushmadda iyo qaddarinta dowladda Kenya ay u heyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri R.wasaare Kheyre oo sidoo kale xusay inay muujineyso in garoonka Aadan-cadde uu u shaqeeyo sida garoomada caalamiga ah, maadaama la xaqiijiyay in duulimaadkii ka soo baxa uu yahay mid la isku haleyn karo oo aan la sii marsiin meelo kale.
Dowladda Kenya ayaa sanaddii 2006 soo rogtay in dhamaan diyaaradaha ka imaanayo Soomaaliya ay ku hakadaan garoonka caalamiga ah ee Wajir si baaritaan loogu sameeyo.

Soomaaliya ayaa in muddo ahba isku dayaysay inay Kenya ku qanciso qaadista xayiraadda duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.
Kenya ayaa horay u sheegtay in tallaaabadaasi ay uga gol lahayd inay kaga gaashaamato khatarta kooxda Al Shabaab.

Waxaa arrintani si diiran u soo dhaweeyay rakaabka oo muddo aan saacad ka badanyn ay ku qaadaneyso wixii hadda ka dambeeyo duulimaadkooda Muqdisho iyo Nairobi. Saaacad dheeraad ayay ku hakan jireen Wajeer si baaritaan loogu sameeyo.

Baarlamanka Soomaaliya oo Ansixiyey Xukuumadda

 
Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
224 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka ayaa ogolaaday xukuumadda, waxaana diiday 15 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2 xildhibaan.
Kulanka ayaa waxaa guud ahaan fadhiyey 241 xildhibaan, waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudey.
Khudbad uu u jeeediyey xildhibaanada ka hor inta aan la ansixin xukuumadda, ayuu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku sheegay in xukuumadda ay ahmiyadda koowaad siin doonto sugidda amniga.
“Amni la’aantiisa nolol ma jirto” ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.
Waxa uu sidoo kale sheegay in howsha ugu horreysa ee iminka hortaalla xukuumadda cusub ay tahay in gurmad la gaarsiiyo dadka abaaruhu ay ku saameeyeen gobollo badan oo dalka ka mid ah.

Wasiirada cusub ayaa isla maanta lagu dhaariyey xarunta baarlamanka

Ra'isal wasaaraha Ingiriiska oo saxiixday warqadii dalku kaga baxayey Midowga Yurub

 

 

Ra'isal wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, ayaa saxeexday warqaddii sida rasmiga ah UK ay ugaga baxaysay Midowga Yurub.

Waxay ogaysiis rasmi ah oo waafaqsan qodobka 50-aad ee heshiiskii Lisbon, u gudbin doontaa madaxweynaha golaha Yurub, Donald Tusk, maanta oo Arbaca ah.
Warbixin ay siisay golaha baarlamanka Ingiriiska, ayey Ra'isal Wasaaruhu ugu sheegtay xildhibaannada in tallaabadani astaan u noqon doonto "wada jirka dalka".
Arrintani waxay daba socotaa aftidii la qaaday bishii Juun ee sannadkii hore ee natiijadii ka soo baxday noqotay in dalku ka baxo Midowga Yurub.
Ra'isal Wasaaruhu waxa ay guddoomin doontaa kulan golaha wasiiradu yeelan doonaan subaxnimada ka dibna waxa ay warbixin ka horjeedin doontaa xildhibaannada oo ay ku wargelin doonto in ka bixitaankii UK ee Midowga Yurub si rasmi ah u bilaabmay.
Wada hadallo Ingiriisku la yeelan doono Midowga Yurub ayaa la filayaa in ay bilaabmaan badhtamaha bisha May. Waxa aanay xukuumadda Ingiriisku sheegtay in ay doonayso in wadahadallada kala guurka iyo kuwa ganacsigu mar wada bilaabmaan, laakiin madaxda Midowga Yurub waxa ay sheegeen in labada arrimood yihiin laba aan shaqo isku lahayn oo mid ba gaar looga wada xaajoon doono.

Roobab ka Da'ay Gobollada Bay iyo Bakool

 
Deegaanno hoos yimaada gobollada Bay iyo Bakool ee Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa in uu ka curteen roobabka ka gu’ga.
Dhulka roobabka ay ka da’een ayaa ka mid ah meelaha ay abaartu saamaysay isla markaana xaaladd caafimaad darro oo abaarta ka dhashay ay dadka iyo xoolahaba saameeyeen.
Roobabka da’ay oo la sheegay inaysan ahayn kuwa xooggan, ayaa haddana lagu warramay in dadka ku diirsadeen.

Mosul: Mareykanka oo loogu baaqay inuu ka dhawrsado waxyeelada dadka rayidka ah

 
Madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qabilsan xuquuqda aadanaha ayaa ugu
baaqay dowladda Ciraaq iyo ciidammada isbahaysiga ee uu Mareykanku hoggaaminayo inay dib u eegis ku sameeyaan 'xeeladaha' ay adeegsadaan marka ay la dagaalamayaan kooxda la
magac baxday Dowladda Islaamka.
Zeid Ra'ad al-Xuseen ayaa dhinacydan ugu baaqay inay masuuliyad iska saaraan ilaalinta iyo difaaca dadka rayidka ah marka ay dagaallada kula jiraan Daacish.
Dagaaldlaasi ayaa waxay hadda ka socdaan galbeedka Mosul.

Sarkaalkan ayaa sheegey inuu aad uga xun yahay dadka shacabka ah ee ku nafwaayey dagaalada Mosul waxuuna dalbaday in lagu sameeyo baaritaan ballaaran sida dad rayid ah oo ku dhow 350 qof ay ku dhinteen tan iyo bishii la soo dhaafay ee February.
Waxa uu sidoo kale cambaareeyay xeeladaha ay adeegsato kooxda Daacish sida inay dadka rayidka ah ka dhigato gabbaad iyo inay layso dadka doonayo inay ka cararaan magaalada.
Hay'adda xaquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa horay ugu eedaysay Isbaheysiga uu Mareykanku hoggaaminayo inay ku guuldarreysteen inay ka baaqsashada waxyeelada dadka rayidka ah marka ay la dagaalamayaan kooxda Daacish.
Ciidammada isbaheysiga wali kama aysan hadlin eedayntan u dambeysay balse horay ayay u sheegeen inay sameyn doonaan wax kasta oo suuragal ah si ay uga baaqsadaan inay dhibaateeyaan dad rayid ah.
Xooggaga taabacsn dowladda Ciraaq ayaa billaabay duullaanka ay doonayaan inay magaalada Mosul dib uga qabsadaan kooxda 'dowladda Islamaka' shan bilood ka hor.
Mosul waa magaaladii u dambeysay ee wali ku harsan gacanta Kooxdan oo cadaadis badan la kulantay bilooyinkii la soo dhaafay.

QISADII QAALID INDHOOLE DHAGEYSI HABOON

 









Maraykanka: Suurta gal ma aha in Nukliyeerka la mamnuuco

 
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii ugu horeysey abid ka doodey in caalamka laga mamnuuco hubka nukliyeerka. In ka badan 120 wadan ayaa taageeray heshiiska noocan ah.
Dhamaan wadamada haysta hubka nukliyeerka iyo ilaa afartan wadan oo kale ayaan kasoo xaadirin kulankii arrinkan lagu gorfeynayey.
Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey, Nikki Haley, ayaa sheegtey in amaanka dalkeedu nukliyeerka u baahan yahay maadaama ay jiraan waxa ay ku tilmaantay dalal hubkaa haysta oo aan la aamini karin. Ms Haley waxay intaasi raacisay wax lala yaabo mey ahayn in Iran ay taageerto hishiiskan iyo in aanay cidina fileyn in Kuuriyada Waqooyi ogolaato heshiis noocan ah.

Danjiraha Ingiriiska ee Qaramada Midoobey Matthew Rycroft ayaa isaguna sheegey in qaabka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo heshiis noocan oo kale ah ay tahay in talaabo talaabo looga wada xaajoodo.

Haweenka Muslimiinta oo Dibadbax ka Dhigay London

 
Qaar ka mid ah haweenka muslimka ah ee dalka Britain ayaa isugu soo
baxay buundada Westminster ee u dhow baarlamaanka Britain, halkaasi oo dhawaan lala beegsaday weerar.

Ujeedada haweenkan ayaa ahayd inay cambaareeyaan argagixisada geysatay weerarakan iyo guud ahaan kuwa dunida ka wada ficillada argagixiso.

Alle wax walba wuu adooda hadaawan hadaadan u adkeysan karin muuqaal kani

 


Walaal dunidann dusheeda kama dhacaan ilaa iyo waxuu alle soo xugmiyo mooye
maanta waxaan arkeynaa in badan oo kamid ahna horay u soo aragnay

mucjisooyin ka rabaaniga waa kuwo alle ugu goleeyahay in ay
adoomadiisa ku cibro qaaraan
sawabtoo ah
Allaah
waa kii awooda wax kasto
fadlan shegarey gaarsiina walaalaha si ay ug cibro qaataan 

Shacabka Turkiga ee Yurub oo billaabay in ay codeeyaan

 
Shacabka Turkiga ee ku nool lix dal oo Yurub ah ayaa billaabay in ay codkooda ka dhiibtaan aftida, ayadoo ololihii arrintaasi ku saabsan uu sababay muran caalami ah.
Dadka ayaa u codeynaya haddii ay doonayaan in Turkiga uu ka wareego awoodda baarlamaanka oo la kordhiyo midda madaxweynaha, taas oo xoojineysa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Qiyaastii seddax milyan oo qof ayaa cokooda ka dhiibanaya dibadda Turkiga, kala bar ka mid ah waxay ku nool yihiin Jarmalka.
Laakiin ololaha siyaasadeed ee dalalka qaar ayaa Turkiga laga hor istaagay.
Tallaabadaasi ayaa sababtay qilaaf xoogga oo kala dhex galay Turkiga iyo dalalka qaar ee Yurub.
Madaxweyne Erdogan ayaa Jarmalka iyo Holland ku eedeeyay in ay u dhaqmayaan sida Naazigii oo kale.
Dalka Switzerland waxaa Axaddii lagu qabtay olole lagu taageerayo in "maya" loogu codeeyo isbedelka dowladda ay sameyneyso.
Ololahaas oo kumannaan qof ay ka qeybgaleen waxaa hor kacayay Kurdiyiinta.

Kenya oo Sheegatay inay Dishay 31 Shabaab ah

 
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay 31 ka tirsan maleshiyada Al-
Shabaab ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhigyo ay maaleeshiyadu ku laheyd degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka Amisom ayaa isna bartiisa twitter-ka soo dhigay in ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo iskaashanaya ay weerarkaasi fuliyeen.

Hogaamiye mucaarad ah oo Ruushka lagu xidhay

 
Hogaamiyaha ugu wayn xisbiyada mucaaradka ah ee Ruushka, Alexei Navalny, ayaa la xidhay isagoo ka qayb galaya bannaan bax lagaga soo horjeedo musuqmaasuqa oo uu isagu soo abaabulay oo ka dhacay caasimadda Moscow.
Kumanaan qof ayaa ka qayb galay dibad baxyo dalka oo dhan ka dhacay oo dalbanayey in ra'isal wasaare Dmitry Medvedev is casilo ka dib markii ay soo baxeen eedo la sheegay oo musuqmaasuq ahi.
Ugu yaraan 500 oo kale oo mudaharaadayaal ah ayaa lagu xidhay caasimadda iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.
Dibad baxyada badankoodu waxay ahaayeen qaar sharci darro ah maadaama oo la soo abaabulay iyada oon ruqsad sharci ah loo qaadan.
Sawiro Telefishan ayaa muujiney dadka bannaan baxayey oo ku dhawaaqayey " Putin ha dhaco", "Ruush bilaa Putin ah" iyo "Putin waa tuug".
Warfidiyeenku waxay sheegayaan in isku soo baxyadan la moodo kuwii ugu waawaynaa ee dalka ka dhaca tan iyo mudaharaaddadii dawladda lagaga soo horjeeday ee sanadihii 2011 iyo 2012.

Banaan baxyadu waxay sidoo kale ka dhaceen magaalooyinka Saint Petersburg, Vladivostok, Novosibirsk, Tomsk iyo dhawr magaalo oo kale oo la sheegay in dad lagu xidh xidhay.

Booliska Ingiriiska oo sheegay in ninkii xarunta baarlamanka weeraray keli ku ahaa falkaa

 
Booliska ayaa sheegay in ninkii qaaday weerarkii Westminster, Khalid Masood, aan cid kale ka dambeyn ee uu keli ku ahaa falkaas, isla markaana aanay jirin xog dheeraad ah oo muujinaysa inuu damacsanaa inuu weerarro kale qaado.
Ku xigeenka kaaliyaha taliyaha ciidanka booliska, Neil Basu, ayaa yidhi "Waa in aynu dhamaanteen aqbalnaa in ay suurto gal tahay in aynaan ogaan karin sababtii ku kaliftay inuu falkan geysto".
Afar qof ayaa dhintay 50 kalena way dhaawacmeen ka dib markii Masood uu baabuur jiidhsiiyey dadka ka hor intii aanu tooriyeynin askari boolis ah.
Qoyska askarigaa dhintay oo la odhan jiray Keith Palmer ayaa sheegay in geesinimadiisii aan la iloobi doonin.
Boolisku waxay sheegeen in Masood oo 52 jir ahaa ay hore maxkamadi ugu heshay dambiyo, laakiin aan kuwaa midkoodna ahayn dambi argagixiso la xidhiidha iyo inuu sidoo kale adeegsan jiray magacyo badan oo been ah.
Wuxuu ku dhashay Dartford, Kent waxaana warqadiisa dhalashada magacii loogu qoray ahaa Adrian Elms, laakiin markii dambe wuxu qaatay magacii nin ay hooyadii mar dambe guursatay oo waxa caruurnimadiisii magaciisu noqday Adrian Ajao.
Sanadihii 2000 ayaa lagu helay dambi lagu soo oogay oo ahaa in uu qof si arxan darro ah dhaawac ugu geystay oo uu toorray nin wejiga kala dhacay ka dib markii ay isku af-dhaafeen meel khamriga lagu cabo dhexdeeda.


Booqashadii Madaxweynaha Farmaajo ee kenya Siday u dhacday

 

Golaha Ammaanka ee Q.M. oo ka Hadlay Soomaaliya

 
Golaha Amaanka ee Q.M ayaa ayaa kulan ay ku yeesheen
magaalada New York waxay uga hadleen arrimaha abaarta sii baahayso ee Soomaaliya.

Golaha ayaa kulankoodaasi oo ahaa mid gaar ah kaga hadley gargaarada bini'aadannimo ee meelaha qaarkood qatarta ah xaaladaha, amniga iyo siyaasadda Soomaaliya. 

Madaxda IGAD oo ka shiraya xaal u helidda qaxootiga Soomaalida

 
Madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Nairobi ku leh kulan gaar ah oo ay uga arrinsanayaan sidii xal waaro loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida.
In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacsan gudaha dalalka bariga Afrika. 1.1 milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi waxay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay'adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horraysay tan iyo markii la doortay fursad u heli doona in uu la kulmo hoggaamiyaasha dalalka IGAD oo afar ka mid ah ciidammadooda ay ka howlgalaan Soomaaliya. Dalalkaasi waxay kala yihiin Kenya, Itoobiya, Jibouti iyo Uganda.
Qabashadan kullankan IGAD oo ay sidoo kale riixayso hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa uu qeyb ka ahaa arrimihii ay madaxda IGAD ku heshiiyeen shir madaxeedkii Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii la soo dhaafay.

Interested for our works and services?
Get more of our update !