
ADS1
3 qof oo lagu helay dambiga weerarkii Jaamacadda Gaarisa
Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa saddex nin ku heshey dambi ah iney in Al-Shabaab ay ka gacan ku siiyeen weerarkii ay ku qaadeen Jaamac Gaarisa oo ay ku dileen 148 qof, kuwaasi uu badnaa Ardeydii Jaamacadaasi.
Mohamed Abdi Abikar, Hassan Aden Hassan iyo Rashid Charles Mberesero ayaa la xukumi doonaa 3-da bisha July ee soo socota, sida uu sheegey Francis Andayi oo ah madaxa garsoorka ee magaalada Nairobi.
Sahal Hussein oo kamid ahaa ahaa afarta nin ee loo heystey eedda la xiriirta gacan ku siinta Al-Shabaab ee weerarkii Jaamacadda Gaarisa ayaa dambi lagu waayey.
Labadii bisha April ee sanadkii 2015 ayaa afar nin oo hubeysan oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Alqaacidda ay weerar ku qaadeen jaamacadda Gaarisa.
Afarta nin ee waarerka geysatey ayaa iyagana lagu diley jaamacaddii ay weerarka ku qaadeen.
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkaasi ku sheegtey fal ay uga aar-gudanaysay ciidamada Kenya oo Soomaaliya ka wada howl-gallo ka dhanka ah Maleeshiyada Alshaab oo halkaasi ay xaruntoodu tahay.
Weerarkii jaamacadda Gaarisa ayaa noqdey weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado gudaha dalka Kenya waxii dambeeyey weerarkii Alqaacidda ay ku qaaddey safaaradda Mareykanka ee Kenya sanadkii 1998kii halkaas oo lagu diley in ka badan 200 oo qof.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo gaaray caasimadda Waqooyiga Korea
Caasimadda dalka Waqooyiga Korea ee Pyongyang waxaa saakay aroor (xilliga Afrika) ka dagay madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping kaas oo wadahadallo kula yeelanaya halkaasi hoggaamiyaha Waqooyiga Korea Kim Jong-Un.
Safarkan mr. Xi uu ku tagay Waqooyiga Korea ayaa noqonaya kii ugu horreeyay muddo 14 sano ah uu dalkaasi ku taho hoggaamite Shiineys ah, balse waxa ay mudodaasi inta u dhaxeysay ay afar jeer ku kulmeen gudaha dalka Siinaha.
Waxyaalaha ugu weyn ee ay ka wadahadli doonaan ayaa la sheegay in ay ka mid tahay wadahadallada hakadka galay ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriga kaas oo la xiriira arrinta hubka nukliyeerka.
Booqashada Xi ayaa kusoo aadeysa xilli uu isbuuc qura ka dhiman yahayshirka waddamada G20 ee ka dhici doona dalka Japan halkaas oo lagu wado in mr. Xi uu kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Booqashada mr. Xi uu ku joogo Waqooyiga Korea ayaa qaadaneysa mudo 2 casho ah
Masar oo didiay in la baaro geerida Mursi
Masar ayaa maanta ku eedeysay QM inay siyaasadeeneyso geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi, ayada oo ku baaqeysa “baaritaan madax-banaan” oo lagu sameeyo sababta uu u dhintay.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha diebdda Masar, Ahmed Hafez ayaa “sida ugu xooggan” u cambaareeyey baaqa afhayeenka guddiga QM ee xuquuqda aadanaha, Rupert Colville oo dalbaday in si madax-banaan loo baaro geerida Mursi oo Isniintii ku dhintay maxkamad ku taalla Qaahira.
Hafez ayaa sheegay in tani ay tahay “isku day ula kac ah oo lagu siyaasadeynayo geeri si caadi ah ku timid.”
Colville ayaa talaadadii dalbaday in la baaro haddii xaaladda xabsigii uu lixda sano ku jiray Mursi ay hoggaamisay dhimashadiisa.
“Geeri kasta oo deg deg ah waa inay daba socotaa baaritaan deg deg, cad, oo dhex-dhexaad ah, oo uu sameeyo guddi madax banaan” ayuu yiri Colville.
Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Masar ayaa sheegay in Morsi oo 67 jir ahaa uu Isniintii ku dhacay maxkamadda Qaahira oo lasoo taagay kadibna uu geeriyooday.
Waxa uu intaas ku daray in Morsi uu u muuqday qof dhiifoon markii uu maxkamadda la hadlayey, hase yeeshee uu miir belay shan daqiiqo markii uu hadlayey kadibna uu dhacay.
Teleefishinka dawlada Masar ayaa sheegay in Mursi markiiba loola cararay cusbitaalka, laakin markii la geeyay uu u geeriyooday wax u muuqday wadnaha oo istaagay.

Abwaan Sangub oo geeriyooday
Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa maanta ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Sangub ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu weynaa taariikhda dalka Soomaaliya, isaga oo sameeyey ruwaayado iyo heeso badan oo caan ka ah dalka.
Sangub ayaa iminka ahaa guddoomiyaha golaha abwaanada Soomaaliyeed.
Warbixin ku saabsan taariikhdiisa waxaa magaalada Muqdisho nooga soo diray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay in uu mar labaad u sharraxan yahay doorashada madaxweyne ee sannadka 2020-ka: SAWIRRO

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu mar labaad u sharraxan yahay doorashada madaxweyne ee dalka Mareykanka, waxaana arrinkaasi kaga dhawaaqay olole loogu qabtay magaalada Orlando ee gobolkaasi Florida.
Khudbad uu ka jeediyay ololahan ayaa waxa uu aad uga hadlay horumarka uu Mareykanku ku tallaabsaday mudadii uu xilka hayay, waxaana ololaha doorashadan uu halhays ka dhigtay «Keep America great», xilli halhayska ololihiisii hore uu ahaa «Make America great again».
” – Maalin weyn ayay noo noqon doontaa maalinta doorashada. Horay waan ugu soo guuleysanay, hadana waan ku guuleysaneynaa. Waa in aan shaqada dhameystirnaa”, sidaa waxaa khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Trump.
Waxa uu weerar afka ah ku qaaday xisbiga ay iska soo horjeedaan ee Dimuquraadiga, waxaana uu ku eedeeyay in ay dib u dhac ku hayaan dalka.
” – Waxa ay burburinayaal dalka, sidii aan uga baranayba, mana aqbaleyno. marnana ma dhaceyso”, ayuu yiri Trump.
Khudbad saacad qaadatay ayuu Trump ka jeediyay goobta ololaha, waxaana uu weerarkiisii xisbiga dimuquraadiga kasii waday bartiisa bulshada ee twitterka.
Horay ayaa waxaa loo hadal hayay in uu madaxweyne Trump dib uu isugu soo sharraxayo xilka madaxweyne doorashada sannadka 2020.
Subscribe to:
Posts (Atom)