Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Dowladda Turkiga ayaa maanta si rasmi ah xarrigga uga jartay saldhig..

 
Dowladda Turkiga
ayaa maanta si rasmi ah xarrigga uga jartay saldhig militari kii
ugu weynaa ee ay Turkiga dibaddiisa ku yeelato, kaas oo ay ka dhistay magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Hulusa Akar oo xafladdii furitaanka ka qeyb galay ayaa si wada jir ah saldhiggan xarigga uga jaray.

Munaasabad xarig-jarka waxaa lagu qabtayg saldhiga oo ku yaalla deegaanka Jaziira, waxaana Munaasabadaas sidoo kale Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeyaha.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa sheegay in talaabadani ay fursad u tahay inuu soo noqdo ciidankii Somalia oo, sida uu sheegay, loo yaqaanay “libaaxyada Afrika”. Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Somalia ay ku socoto jidkii dib u soo celinta qaranimadii Somalia.

Taliyaha guud ee ciidamada Turkiga, Hulusi Akar ayaa isna sheegay in saldhigani uu dabooli doono baahida loo qabo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomaaliya yeelato.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa dhinaciisa sheegay in dhismaha xarunta iyo tababarida ciidanka ay la socon doonto ciidanka oo loo qalabeeyo.

Saldhiggan oo ku fadhiya dhul baaxadiisu dhantahay afar KM oo isku wareeg ah ayaa waxaa ku dhex yaalla sadex dhismo oo ay ciidamadu deggan yihiin iyo xarumo tababar.

In ka badan 200 oo askarta Turkiga ah ayaa xeradaasi ku tababari doona halkii marba askar ka badan 1,500.

Tababarka uu Turkigu u sameeynayo ciidamada Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaal caalami ah oo lagu xoojinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo gaarsiiyo heer ay la wareegi karaan amaanka dalka marka ciidamada Amisom ay baxaan.

MUQDISHO: Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka qeybgalay xuska dda Shiinaha

 
MUQDISHO: Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka
qeybgalay xuska sanad guuradii 68-aad ee aasaaska dowladda Shiinaha
Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad loogu dabaal dagayay 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay dowladda Shiinaha , iyadoo munaasabadaasi ay ka qeybgaleen madam ka tirsan dowladda.
Madaxda lagu casuumay munaasabadaasi ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha madaxweynaha, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka iyo safiirada dalalka caalamka u fadhiya Muqdisho.

MUQDISHO: Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka qeybgalay xuska sanad guuradii 68-aad ee aasaaska dowladda Shiinaha
Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad loogu dabaal dagayay 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay dowladda Shiinaha , iyadoo munaasabadaasi ay ka qeybgaleen madam ka tirsan dowladda.
Madaxda lagu casuumay munaasabadaasi ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha madaxweynaha, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka iyo safiirada dalalka caalamka u fadhiya Muqdisho.Masuuliyiinta munaasabada ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday Xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha iyo Marxaladaha kala duwan uu soo maray, sidoo kale waxaa si weyn loo amaanay doorka hormarka Soomaaliya uu ku leeyahay Shiinaha, sida Dhismaha, Dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ugu Hambalyeeyay Shacabka Shiinaha Maalinta la aas aasay dowlada dalkaas, “Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxda iyo Shacabka dowlada Shiinaha 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay dowladooda, Soomaaliya iyo Shiinaha xiriirkooda wuxuu soo bilowday sanadkii 1960-kii, tan iyo markaas Shiinaha Soomaaliya waxay la garab taagnaayeen taageero wax ku ool oo dhinac kasta ah, waxaan ka codsaneynaa Dowlada Shiinaha inay Soomaaliya oo wadada hormarka cagta saartay ay dhaqaalaha iyo dhismaha guud ahaan dalka ka taageeraan” ayuu yiri Mudane Jawaari.
Safiirka Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian oo Khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, Dowlada Shiinahana ay Soomaaliya ka fulisay 89-Mashaariic, oo ay ka mid tahay Dhismaha Tiyaarta Qaranka, Garoonka Kubada cagta ee Muqdisho, Isbitaalka Digfeer, dhismaha Waddooyin waa weyn iyo Mashaariicyo kale, sidoo kale Safiirka wuxuu sheegay in arday badan oo Soomaaliyeed ay siiyeen deeq waxbarasho oo ay ka faa’iideysteen sdia Dhaqaatiir Soomaali ah oo ku soo wax bartay Shiinaha, dhinaca kale wuxuu balanqaaday in ay sii wadi doonaan Mashaariicda hormarineed oo ay ka fulinayaan Soomaaliya, isagoo sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin isbedelada dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo hormarka Bulshada ee Soomaaliya ka hanaqaaday.

July 1, 1960 - Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliya

 
July 1, 1960 - Xorriyadii iyo midowgii dadka
Soomaaliyeed qaybtii laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].
Jan 1962 - Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afar dal ee Afrika** xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas joogey, kuwaas oo ahaa  Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.
June 10, 1967: Waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday C/Rashiid Cali Sharmarke. October 15, 1969 ayaa la diley C/rashiid isagoo booqasho ku maraya Laascaanood. [C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1919 ilaa October 15, 1969].

Interested for our works and services?
Get more of our update !