Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Ra`iisul wasaare Khayre oo maanta booqday qaar ka mid ah xarumaha wasaaradaha dalka

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sidoo kale ay dagan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta.
Wuxuna u guur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradahaasi ka socda.

Ra'iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Ugu danbayn, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan masuuliyada gaara.

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !