Theme images by MichaelJay. Powered by Blogger.

Ad Home

LightBlog

Recent

Featured Posts

Random Posts

Recent Posts

ADS1

Heshiiska ay kala saxiixdeen labada madaxweyne ayaa qodobada ugu waaweyn waxaa ka mid ah

 

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya, Maxamed Cabdullhi Farmaajoiyo Uhurro Kenyatta ayaa maanta kullan ku
yeeshay magaalada Nairobi, iyagookulankooda ka dib kala saxiixday heshiis dhowr qodob ka kooban.
Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka labada waddan iyo ka wada shaqeynta danaha labada waddan.
Waxey ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan, oo ay hir-geliyaanna heshiiskii iskaashi ee ay labada dal kala saxiixdeen bishii July sanadkii 2015kii, kaas oo xoogga saarayay dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, duulimaadka, waxbarashada, beeraha, wadaagga aqoonta iyo horumarka, horumarinta xoolaha, kalluumeysiga, dalxiiska, socdaalka, shaqaalaha iyo caafimaadka.
Heshiiska ay kala saxiixdeen labada madaxweyne ayaa qodobada ugu waaweyn waxaa ka mid ah in muddo laba todobaad gudahood ah ay bilowdaan duulimaadyada tooska ah ee Somalia iyo Nairobi, oo aaney sii mari doonin sidii hore diyaaradaha ka imanaya Somalia magaalada Wajeer.


Waxa kaloo ka mid ah in la furo xuduudaha labada waddan ee Dhobley iyo Mandhera si loo fududeeyo isu socodka iyo nolosha dadka labada wadan ee deriska ah.

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !